Madhabaa in uu xiran yahay gudoomiyaha gobolka Hiiraan

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan C/fataax Xasan Afrax ayaa galabta si deg deg ah u yimid magaalada Muqdisho, kadib markii loo yeeray, si wax looga weydiiyo kiiska dilkii ahaa oo uu ku lug yeeshay, kaasoo 14-kii bishan Ilaaladiisa ay u geysteen Sarkaal ka tirsan Qaramada Midoobey magaalada Beledweyn.

Dilka Sarkaalkaas oo lagu magacaabi jiray Mahdi Xuseen Shiikhaal ayaa ka dhashay xiisad, iyadoo maleeshiyooyin hubeysan oo ku heyb ahaa ay xirteen wadooyinka magaalada, iyagoo ka careysnaa dilka Sarkaalka.

Guddoomiye C/fataax ayaa waxaa Muqdisho ugu yeeray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo si dhow maalmahan ula socday xiisada ka taagneyd Beledweyn, iyadoo shalay amray in la fasaxo C/fataax oo markii hore lagu hayay Xerada AMISOM, halkaasoo su’aalo lagu weydiinayay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Hiiraan wax laga weydiiyo arrinta ku saabsan dilka Sarkaalkii u shaqeynayay Mine Action, kaasoo ay dileen ilaaladiisa, waxaana la sheegay inuu jiray xurguf iyo hadalo kulul oo ay horay u isu dhaafsadeen ka hor inta aan la dilin marxuumka.iyaadkii ku heybta ahaa Sarkaalkii la dilay oo ahaa in xilka la qaado, kadibna la maxkamadeeyo, balse ma cada sida dowladda u wajihi doonto arrintaas.

Wararka qaar ayaa waxay sheegayaan in gudoomiye Afrax uu iminka kuxiran yahay xarunta ciidanka Nabad sugida ee magalada muqdisho halkaas oo su.aalo lagu weeydiinayo.

cowslafil.com

Be the first to comment on "Madhabaa in uu xiran yahay gudoomiyaha gobolka Hiiraan"

Leave a comment

Your email address will not be published.