Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan gacan ku dhiigle Cabdifatax Afrax oo xabsiga loo taxaabay

gudoomiyeHiiraanXarig

Wararka inaga soo gaaraya magaalada Baladweyne ayaa sheegay in gudoomiyaha gobolka Hiiraan xabsiga loo taxaabay ka dib markii dil loo geystay sarkaal ka tirsan Qaramada Midoobay oo ay isa soo tarayaan warar sheegayo in Gudoomiyaha istaafkiisa ay qaarijiyeen marxuumka.

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa intuu xilka hayey dhibaatooyin sida xusuuq, barakicin, iyo argagax joogta ah ku hayey shacabka gobolka Hiiraan, gaar ahaan degaanada Kabxanley iyo Deefow, iyo magaalada Baladweyne halkaas oo dad badan oo qiimo weyn, hogaan iyo indho u ahaa bulshada reer Hiiraan ay ku baxeen gacan ka gardaran, shaki badana oo u horey u jiray in arrintan ay ka danbeeyaan maamulka Cabdifatax Afrax, maantana dhibkii iyo dilalkii ay ka tabanayeen shacabka reer Hiiraan uu taabtay Qaramada midoobe ka dib markii sarkaal ka tirsan lagu dilay magaalada Baladweyne.

Talaabadan ay qaadeen AMISOM iyo wafdiga isugu jira masuuliyiin sare sare sida xeer ilaaliyaal, saraakiil, iyo madax kale oo ka yimid Muqdisho ayaa ah mid guul u ah shacabka Hiiraan, fursadna siin karta in gobolka uu ka baxo fowdada iyo colaada joogtada ah oo aysan horey cidna wax uga qaban.

Xaalada magaalada Baladweyne ayaa aad u kacsan halka ciidamo taabacsan marxuumka la dilay, iyo kuwa taageersan Cabdifatax Afrax laga cabsi qabo inay isku dhacaan, iyo weliba iyadoo la sheegay in ciidamada AMISOM ay amar ku siiyeen ciidamada Cabdifatax Afrax inaysan hubkooda kala soo dhaqaaqin halka ay ku sugan yihiin, lamana oga in ciidan beeleedka gudoomiyaha ay u hogaansami doonaan amarka AMISOM.

Wixii ka soo kordha xaalada magaalada Baladweyne dib ayaan idiinkala soo socodsiin doonaa.

cowslafil.com

Be the first to comment on "Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan gacan ku dhiigle Cabdifatax Afrax oo xabsiga loo taxaabay"

Leave a comment

Your email address will not be published.