Hotel saxafi oo saaka aroortii qarax ismiidaamin iyo gudaha loo galay

Hoteelka Saxafi oo ah hodheelka ugu weyn Magaalada Muqdisho fac ahaan ayaa waxaa saaka aroortii salaada subax lagu weeraray Qarax ismiidaamin ah waxaana wararka qaar ay sheegayaan in gudaha loo galay hoteelka.

Qaarkamid ah dadkii kusugnaa gudaha hoteelka oo ka war bixiyey ayaa waxay sheegayaan in dabley hubeysan ay gudaha ugaleen hodheelka. Hoteelka ayaa waxaa uu yahay hoteel aad loo ilaaliyo waxaana intabadan degan dublamaasiyiinta wadamada qaar ee soomaaliya saaxiibada la ah iyo mas,uuliyiin ka tirsan dowlada soomaaliya. Wararka hada soo baxaya ayaa waxay sheegayaan in qaarka mid ah saraakiisha Dowlada federaalka soomaliya laga soo badbaadiyay qatarta ka taagan Hodheelka.

Dhagabadan-150x150

Wararka ina soo gaaray ayaa sheegaya in General Marxuum C/kariin Yuusf Aadan Dhegabadan uu ku geeriyooday Dagaalkii saaka lagu qaaday Hoteelka saxafi ee Magaalada Muqdisho. Waxaa kaloo ka kamid ah Mas,uuliyiinta ku geeriyootay Xildhibaan Abti doon oo kamid ah Xildhibaanada kusugnaa Hoteelka, waxaa kaloo kamid ah Cabdi rashiid Ilqeyte Milkii lihii Hoteelka Saxafi iyo shacabka kale oo deganaa Hodheelka.

General Dhegabadan ayaa waxaa lasheegay in markii uu maqlay Dagaalka uu kor ka soo degay kadibna uu dagaalka toos u galay isagoo ku dagaalamayaya qoriga loo yaqaano daba jeexa waxaa wararkaan soo xaqiijiyay qaar kamid ah mas,uuliyiinta ka bad baaday musiibada ee ku sugnaa hoteelka.

General dhegabadan ayaa waxaa uu ku soo caanbaxay dagaalkii dowladii shariif sheikh axmed ay lagashay shabaab waxaa hal ku dhigiisa uu ahaa jid iyo jahadiid oo uu ula jeeday shabaab.

Dad farabadan oo aad u yaqaanay dhegaban ayaa waxay ku sheegeen in uu ahaa hal yey ay ka go,antahay in uu difaaco dalkiisa iyo diintiisa. Waxaa intaas dheer in uu ahaa geesi marnaba dib u laaban. Warkale ayaa waxaa uu shegayaa in uu geeriyooday Xildhibaankii daraad iska casilay xilka xildhibaanimada Xasan Abshir faarax

Dad farabadan oo aad u yaqaanay dhegaban ayaa waxay ku sheegeen in uu ahaa halyey ay ka go,antahay in uu difaaco dalkiisa iyo diintiisa.

cowslafil.com

Be the first to comment on "Hotel saxafi oo saaka aroortii qarax ismiidaamin iyo gudaha loo galay"

Leave a comment

Your email address will not be published.