Dhegeyso Maxaad Ka Xusuusataa Generaal Dhega Badan Warbixn Kooban

Allah u naxriistee Generaal C/kariin Yuusuf Aadan (Dhegabadan) Aabaanduulihii hore ee Ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed oo maanta ka mid noqday dadkii ku geeriyooday weerarkii lagu qaaday Hotel Saxafi ayaa kasoo jeeda Degmada Xeraale ee Gobolka Galguduud.

Generaalka ayaa ciidanka Xooga kusoo biiray bartmahii sanadii todobaatameeyadii waagii dowladii Milateriga ee Maxamed Siyaad Barre, waxaana daraja ahaan uu gaaray darajada Gaashaanle, waxaana uu ahaa saraakiil in badam ku sugneyd gudaha dalka.

Generaal Dhegabadan ayaa kusoo caan baxay dagaaladii ka dhacay Gobolka Galguduud, gaar ahaan dagaaladii u dhaxeeyey Shabaab iyo kooxda la magac baxday ahlu sunnah oo dagaalo ba’an uu ku dhex maray Degmooyinka Dhuusa mareeb iyo Guriceel.

Darajada Generaal ayaa loo dalacsiiyey markii loo magacaabay Abaanduulaha Ciidamada Xooga Dalka, waxaana lagu xusuustaa dagaaladii uu ku xoreeyey Muqdisho iyo gobola badan oo ku yaala Dalka.
Horaantii sanadii 2013-ka ayaa Generaalka laga qaaday xilka, ka dib markii kooxdii qaran dumis (Damu jadiid) ay la wareegeen talada dalka, waxaana uu ka mid noqday saraakiishii xilalka laga xayuubiyey si meesha ay uga baxaan dagaalada lagu raadinayey qaran Soomaaliyeed oo madax banaan.

Generaal C/kariin Yuusuf Aadan Dhegabadan ayaa ku noolaa tan iyo markii xilka laga qaaday dalka Uganda, waxaana bilooyinkan uu ku sugnaa Muqdisho, Maanta markii ay ku dhaceysay xabada noloshiisa galaafatay ayuu ahaa dagaalyahaan sita qoriga daba jeexa.

Allah u naxriistee Geeraal Dhegabadan ayaa dad badan oo Soomaaliyeed ku xusuusan doonaan eray bixintii uu adeegsan jiray markii uu ahaa Abaanduulaha Ciidanka Jid iyo jaha diidiid, waana geesi aan marmnaba ka leexan wadada guusha iyo difaaca dalka.

cowslafil.com

Be the first to comment on "Dhegeyso Maxaad Ka Xusuusataa Generaal Dhega Badan Warbixn Kooban"

Leave a comment

Your email address will not be published.