Odayaasha Beelweynta Direed ee ka soo Jeeda Hiiraan oo si Kulul Uga Hadashay gudiga uu Magacaabay Wasiirka Arimaha Gudaha

Kulan sedax Maalmood ka socda Magaalada Muqdiho ayaa waxaa maanta laga soo saaray war saxaafadeed ka kooban noqolo farabadan waxaana ay ku sheegeen in ay ka soo hor jeedaan Gudiga 14 xubnood ee maamul usameynta hiiraan iyo shabeelaha dhexe.

Waxaana ay cadeeyeen in aysan Aqbali doonin wax kasta oo gudigaas ay soo sameeyeen.
Waxaana kulanka ka hadlay intabadan odayaasha ka soo jeeda Beesha sure ee ukala baxda Cabdalle iyo Qabeys oo la isku yiraahdo Beesha surre Direed waxayna sheegeen in ay ka soo horjeedaan wax kasta oo goboladaas loo sameeyo.

Waxaana kulankooda ka qeeb galay laba xildhibaan oo kala ah Xildhbaan Duniyo Maxamed Cali iyo xildhibaan Cabdi naasir Gaarane Maxamed

cowslafil.com

Be the first to comment on "Odayaasha Beelweynta Direed ee ka soo Jeeda Hiiraan oo si Kulul Uga Hadashay gudiga uu Magacaabay Wasiirka Arimaha Gudaha"

Leave a comment

Your email address will not be published.