Saaxibada caalamka oo Dowlada u sheegay inay wax ka qabtaan ciidanka qaran ee geysta fal danbiyeed …

Sanadkii 2012 ilaa 2015 ayaa waxaa dadka soomaaliyeed iyo caalamka intiisa kaleba ay
marqaati ka noqdeey ciidamada huwan magaca qaran, isla mar ahaantaan ku duulo degaano
dad shacab ah oo soomaaliyeed, halkaas oo ay gebi’ahaanba dab qabadsiiyeen degaanada sida
Number 50, Kabxanley, iyo Deefoow.

Saaxibada caalamka ayaa dowlada soomaaliya u sheegtay inay baaraan, waxna ka qabtaan guutooyinka iyo
gaasaska ka mid ah ciidanka qaranka ee qeybta ka ah falal danbiyeedka iyo xad gudubyada loo geysan
dad shacab ah iyo degaano.

UN’ka ayaa sheegay in haddii aysan dowlada wax ka qaban arrimahan ay dhankooda talaabo ka qaadi
doonaan guutooyinka iyo gaasaska ka tirsan ciidanka qaranka ee ku kaca xad gudubyo loo
geysan degaano, shacab, iyo weliba arrimo dhalin kara xasilooni darro degaano iyo gobolada dalka.

Waxaa socda Resolution’ ay caalamka doonayaan inay ku xakameeyaan fowdada
iyo xadgudubyada loo geysan shacab iyo degaano soomaaliyeed, iyadoo la adeegsanayo hantida iyo
hubka qaranka.

cowslafil.com

Be the first to comment on "Saaxibada caalamka oo Dowlada u sheegay inay wax ka qabtaan ciidanka qaran ee geysta fal danbiyeed …"

Leave a comment

Your email address will not be published.