Dagaal ka dhacay Kabxanle ee Gobolka Hiiraan

Degmada Kabxanley ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa Maanta laba jeer ku wada Dagaalamay Maleeshiyaad ka soo duulay Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka hiiraan iyo Ciidamada Deegaanka kabxanley ee Deegaan ahaan ka soo jeeda halkaa.

Waxaana dagaalka soo qaaday Maleeshiyaadka Ka soo duulay Beledweyne waxaana dadka Deegaanka sheegayaan in ay iska caabiyeen

Wareysi lala yeelashay Cabdi faarax ismaaciil oo ah Gudoomiyaha Gudiga Samafalka Gobolka Hiiraan ayaa wuxuu sheegay in xaalada hada ay degan tahay la iskana caabiyay maleeshiyaadkii soo duulay.

Dagaalkaan ayaa waxaa uu daba joogaa Dagaal in badan ku soo laalaabtay deegaanada kabxanley iyo Deefow ee gobolka hiiraan.

Ilaa hadana wax xal ah lagama gaarin dagaaladaas

cowslafil.com

Be the first to comment on "Dagaal ka dhacay Kabxanle ee Gobolka Hiiraan"

Leave a comment

Your email address will not be published.