Xog: Maxaa looga hadlay Kulankii No 50?, Maxay Ahaayeen Shuruudaha Dhinac Walba? Maxaana Lagu Heshiiyay?

Xog aan ka helnay saraakiisha ciidamada deegaanka ee ku sugan No 50, goobjoogna ka ahaa kulan gaar ah oo No 50 ku dhex maray saraakiisha maleeshiyada dowladda Soomaliya iyo kuwa ciidamada deegaanka ayaa waxaa noo suuragashay inaan xog buuxda ka helno wixii ka dhacay No 50, iyo wixii ka soo baxay.

Kulanka ayaa ismarxabeyn iyo salaan kadib ku bilowday hadalo kulul oo ay meesha ka jeediyeen saraakiisha ciidamada deegaanka iyo odayaal matalayey dadka deegaanka kaas oo nuxurkiisa ahaa in dadka Shabellada Hoose ee ay matalaan tacadiyo ka baxsan baniaadanimada ay u geysteen maleeshiyada dowladda ee laga maamulo wasaaradda ay matalaan ee gaashaandhiga.

Waxay hadalkooda ku sheegeen in wixii ku dhcay dadka deegaanka aysan ahayn wax iska dhacay balse ay ahaayeen qorshe nidaamsan oo laga hagayo wasaaradda difaaca, loona adeegsaday hubkii, saanadii iyo lacagtii dowladda ay matalaan.

Intaas kadib saraakiishii Maleyshiyadda dowladda waxa ay garawsadeen eedeymaha loo soo jeediyay, laakiin si buuxda uma qiran ma’uuliyadda tacadiydaas, waxayna ku gaabsadeen in xilliga laga hadlayo aysan iyaga maamulka wasaaradaas heynin, hadii qaar ka mid ah ay hayeena aysan heyn jagooyinka ugu sareysa, laakiin ay hadda diyaar u yihiin in wixii qalad ah oo horay u dhacay la saxo.

Intaas kadib wafdiga ka socday dowladda Soomaliya ayaa ka hadlay ujeedada safarkooda, waxa ayna sheegeen in ay ugu yimaadeen laba arin oo ah:

1. In wixii qaladaad ah ee horay u dhacay ay saxayaan, ayna doonayaan in saraakiisha ciidamada deegaanka ay gacan ku siyaan arintaas.

2. Waxa ay sheegeen in ay doonayaan in dhammaan ciidamada deegaanka ee ku sugan Sh.Hoose ay dhammaantood ku soo biiraan ciidamada dowladda, lana qarameynayo.

Dhinaca saraakiisha ciidamada deegaanka ayaa iyagana soo dhaweeyay in maanta saraakiil ka tirsan maleeshiyada dowladda ay garawsadeen in qaladaado jiraan, ay muujiyaan in ay doonayaan in ay saxaan, waxayna sheegeen in inta aysan ogolaan ama diidin ku biirista maleeshiyada dowladda ay iyaga wataan shuruudahan soo socota:

1. In dowladda ay si buuxda u qirato mas’uuliyadda tacadiyadii ay geysteen maleeshiyadeeda, magdhow siiyaan qoysaska dadkii ay dileen, kuwa ay dhaawaceen, kuwii ay guryahooda gubeen iyo haweenka ay tacadiyada u geysteen.

2. In gebi ahaan gobolka laga qaado maleeshiyada tacadiga ka geysatay ilaa haddana tacadiga ka wada gobolka iyo hojoogayaashooda sida goobaale iyo Xasan Jaamici.

3. In dowladda ay si rasmi ah u ogolaato in ay darajooyin saraakiilnimo oo sareysa ay siiso ugu yaraan 30 ka mid ah ciidamada deegaanka, kuwaas oo in badan oo ka mid ah noqonayaan Jeneraalo iyo korneelo.

4. In dowladda ay ogolaato in saraakiisha ciidamada deegaanka looga dambeynayo howlaha qeybaha muhiimka ah ee gobolka, ayna sidoo kale agab ciidan ay siiso ciidamada deegaanka, ayna bixiso mushaharaad joogto ah ciidamadaas iyo saraakiishooda.

5. In dadka deegaanka loo madaxbaaneeyo maamulka deegaanadooda iyo In la xaliyo dhibaatada ka jirta hantida ay leeyihiin dadka deegaanka ee gacanta uga jirta maleeshiyada dhibaatada ka wada gobolka, kuwaas oo ay ugu horeyso beeraha.
Intaas kadib, dhinaca saraakiisha maleeshiyada dowladda waxa ay sheegeen in qaar ka mid ah qodobadaas aysan xilligan fulin karin awoodoodana ay ka baxsan tahay laakiin waxa aqbaleen qodobadan:

1. In saraakiisha ciidamada deegaanka looga dambeeyo arimaha goobaha muhiimka ah ee ay dagaalada ka dhaceen
2. In ay dowladda saraakiilnimo u dalacsiineyso 10 ka mid ah saraakiisha ciidamada deegaanka.
3. In ay qalabeyneyso ciidamada deegaanka Mushahar joogta ahna ay siineyso.

Gabagabadii kulanka ayaa saraakiisha ciidamada deegaanka waxa ay ku wargeliyeen in iyaga kaligood aysan arimahaas go’aan ka gaari karin, wixii ka dhacay kulankana ay kula noqon doonaan dadka ay matalaan, waxaana lagu balamay in lawada xiriiro.

cowslafil.com

Be the first to comment on "Xog: Maxaa looga hadlay Kulankii No 50?, Maxay Ahaayeen Shuruudaha Dhinac Walba? Maxaana Lagu Heshiiyay?"

Leave a comment

Your email address will not be published.