Faah faahin laga helaayo Diyaaradii soo dhacday caawa

Diyaaradan oo Maqribnimadii caawa soo gaartay Garoonka Aadan Cadde, inkastoo aanay ka cago dhigin, ayaa waxay xilligii Salaadda Cisha ka dib ay ku dhacday Deegaanka Carbiska Ee Degmada Afgooye.

Diyaaradda oo aan la garanayn dalka laga lee yahay, ayaa waxaa saarneyd lix nin oo Masaari ah, iyadoona uu dab qabsaday diyaaradaasi, walow aysan waxyeelo ka soo gaarin lixda nin ee Masaarida.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose, Maxamed Shiine oo ka hadlay shilkaasi, ayaa wuxuu xaqiijiyay in diyaaraddu ku soo dhacday halka loo yaqaano Bood Boodka, sida uu yiri.

Afhayeenku wuxuu ka gaabsaday dalka laga lee yahay diyaaradaasi, ciddii ay u kireysneyd iyo ujeedadii ka dambeysay inay soo gaarto Magaalada Muqdisho.

Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee degan Deegaanka Carbiska, ayaa isku gadaamay diyaaradaasi, iyagoona gacan u fidiyay shaqaalihii saarnaa.

Diyaaradan oo dooneysay in ay ka cago dhigatay Garoonka Aadan Cadde, ayaa waxaa la sheegay in taasi ay ku adkaatay, isla-markaana uu duuliyuhu ka laba labeeyay in diyaaraddu uu ka dejiyo Garoonkaasi.
Garoonka Magaalada Muqdisho, ayaan xilliyada habeenkii ah awood u lahayn in diyaaradaha waaweyn ay ka soo cago dhigtaan, waxaase jira dadaalo lagu doonayo in shaqada Garoonka looga dhigo mid 24 saac ah.

cowslafil.com

Be the first to comment on "Faah faahin laga helaayo Diyaaradii soo dhacday caawa"

Leave a comment

Your email address will not be published.