Sarkaal Ka Mid Ah Saraakiisha Ciidamada Deegaanka Oo Lagu Wado In Lagu Bedelo Xasan Jaamici(Magaca Iyo Xog Ku Saabsan Sarkaalkaas)

Waxaa lagu wadaa in xilkii laga qaaday Xasan Jaamici oo horay ugu magacownaa taliyaha ururka labaad ee guutada seddexaad ee ciidamada dowladda loo magacaabo sarkaal ka mid ah saraakiisha ciidamada deegaanka.

Xog ay heshay shabakda markanews ayaa sheegeysa in wafdigii ciidan ee ka socday dowladda ee dhowaan tegay magaalada No 50 ay u soo jeediyeen saraakisha ciidamada deegaanka in ay keensadaan shakhsigii buuxin lahaa jagada laga qaaday Xasan Jaamici.

Xogta aan heleyno ayaa intaas ku dareysa in dhowaan jagadaas loo magacaabi doon Khaliif Cali Nuur oo ku magac dheer Farey oo ka mid ah saraakiisha sar sare ee ciidamada deegaanka, kuna sugnaa sanadihii u dambeysay furumaha ciidamada deegaanka gaar ahaa degmada No 50.

Khaliif Farey ayaa horay uga tirsanaa ciidamada dowladda laakiin ka soo goostay kadib markii ay bilowdeen dagaaladda Sh.Hoose.

cowslafil.com

Be the first to comment on "Sarkaal Ka Mid Ah Saraakiisha Ciidamada Deegaanka Oo Lagu Wado In Lagu Bedelo Xasan Jaamici(Magaca Iyo Xog Ku Saabsan Sarkaalkaas)"

Leave a comment

Your email address will not be published.