Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya oo gaaray Magaalada Gaalkacyo.

Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyey magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Garoonka diyaaradaha Cabdullaahi Yuusuf ee magaalada Gaalkacyo waxaa kusoo dhaweeyey Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad, Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland, ku-xigeenkiisa, Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan Puntland, Guddoomiyaha gobolka Mudug, ku-xigeenkiisa, odayaasha dhaqanka, haween, dhallinyaro iyo qeybaha kala duwan ee bulshada magaalada Galkacyo kuwaasi oo uu mid mid u gacan qaaday.

Soo dhaweynta kaddib waxaa wafdiga Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka loo soo galbiyey xarunta Madaxtooyada magaalada Gaalkacyo, halkaasi oo kulan soo dhaweyn ah kula qaatay Madaxweynaha Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland.

“Aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay inaan maanta kusoo dhaweyno magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug iyo Puntland guud ahaan Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, si gaar ah ayey sharaf iyo qiimo weyn ugu leedahay Golaha wakiillada Puntland” ayuu yiri Mudane Saciid Xasan Shire Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland.

Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo isna dhankiisa la hadlay saxaafadda ayaa uga mahad celiyey Guddoonka Baarlamaanka iyo shacabka Puntland sida ballaaran ee ay u soo dhaweeyeen wafdigiisa waxaana uu tilmaamay in socdaalkan uu daba socdo safar uu sanadkan horaantiisa ku yimid Puntland ilamarkaana uusan Gaalkacyo horey u imaan.

Dhinaca kale Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka qeybgalay islamarkaana khudbad ka jeediyey munaasabad uu Madaxweynaha Puntland ku daah furayey sanduuqa hormarinta gobolka Mudug oo munaasabad daaha looga rogayey lagu qabtay magaalada Gaalkacyo.

cowslafil.com

Be the first to comment on "Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya oo gaaray Magaalada Gaalkacyo."

Leave a comment

Your email address will not be published.