Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir: Ma aqbaleeyno in warqado been abuur ah oo lasameeystay in lagu shaqeeysto.

Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir oo Warbaahinta kula hadlay magalada Muqdisho ayaa waxa uu siweyn kaga hadlay lacagaha kala duwan ee laga qaado waxyaabaha kala duwan ee ganacsiga ee Maaglada Muqdisho.

“Waxbadan waxaan aragnaa in la iska garab maro tariifada dadka laga qaadayo, taas waxaa gooya Wasiirka Wasaaradaasi oo u gudbinaya golaha Wasiirada oo iyagu meel marinaya, marka Wasiir ama mas’uul kaligiis ma sameyn karo tariifo, sharcina ma noqoneeyso, waxaan ognahay in meelo badan lagu qaado lacago aan sharci ahayn, hadaba hadii ay dhacdo tariifo aan sharciga waafaqsaneyn laga qaadi doono talaabo sharciga waafaqsan ciddi lagu hela” ayuu yiri Xeer ilaaliyaha.

Xeer Ilaaliyaha Qaranka ayaa hoosta ka xariiqay in hay’adaha dowladda looga baahanyahay inay akoono ka furtaan bankiga dhexe oo ah halka laga ogaan karo in daqligaasi uu yahay mid gacanta dowladda ku jira.

“Cidna looma ogolaan doono in ay jeebka ku ritaan lacagaha canshuurta ee dadka laga qaadayo, lacagaasi dadka wax lagaga qaaday, waa in dadku loogu adeegaa oo aan lagu dhibin lacagaha uu ku rabay in shati uu goosto, mana ogolaaneyno in qofkasta oo Wasaaradda u shaqeeya in muwaadinka lagu dhibaateeyo, waxa ay xaq u leeyihiin oo ah inay helaan adeegyada aas aasiga u ah bulshada, qofka sharci soo marana aan lagu xujeynin in lacago laaluush laga qaato”

Axmed Cali Daahir ayaa ka digay in lagu shaqeeyo qaab aan sharci ahay oo marin habaabin kara howlaha qaranka,

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa hadalkiisan waxa uu ka danbeeyay cabasho ay soo gudbiyeen Dadka Soomaaliga ah eek a shaqeeysta Bajaajka.

cowslafil.com

Be the first to comment on "Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir: Ma aqbaleeyno in warqado been abuur ah oo lasameeystay in lagu shaqeeysto."

Leave a comment

Your email address will not be published.