Gudoomiyaha degmada Marka oo sheegay in aan magaalada Marka la kala xigin

Gudoomiyaha degmada Marka Xasan Cumar oo ka hadlay wixii u qabsoomay intii magaalada marka yimid ayaa sheegay in ay ku guuleysteen in ay dhaqan geliyaan xabadjoojin dhexmarta beelihii magaalada ku dagaalamay, meeshana ka saaraan kala shaki uu sheegay in uu jray.

Gudoomiye Xasan Cumarey ayaa sheegay in dadka u dhashay labada beeleed ee dagaalamay ay hadda is-dhexgaleen, magaaladana nabad ugu wada nool yihiin.

Xasan Cumarey ayaa carabka ku adkeeyay in magaalada Marka ay beelaha ku wadanool yihiin,beel beel ka xigtana aysan jirin.

Gudoomiyaha degmada Marka ayaa hanjabaad u diray cid walba oo uu sheegay isku dayda in ay dagaal ka huriso magaalada, asigoo intaa ku daray in maamulkiisa talaabo ka qaadi doono.

cowslafil.com

Be the first to comment on "Gudoomiyaha degmada Marka oo sheegay in aan magaalada Marka la kala xigin"

Leave a comment

Your email address will not be published.