Gudoomiye kuxigeenka Labaad ee Baarlamaanka Somaaliya oo kahadlay Arimo xasaasi ah

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamanka Soomaaliya Mahad Cabdala Cawad ayaa waxaa uu ku eedeeyey Xildhibaanada Baarlamanka Federalka in aysan wax badan ka qaban waajibaadkii saarnaa oo loo xilsaartay muddo saddex sano ah.

Waxaa uu sheegay Guddoomiye Mahad in Dadka ku jira Xabsiyadda Dowladdaa in gabi ahaanba aysan ku jiran Dad loo sooo xirxiray musuq maasuq taasna ay muujineyso in wax shaqo ah aysan qaban Hay’adihii loo xirsaaray oo Baarlamanka Soomaaliya uu qeyb ka yahay.

Waxaa kale oo uu tilmaamay Mahad Cabdala Cawad Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamanka in loobahan yahay in arrinta ay ka shiraan Gudiyadda joogtadda ee Baarlamaanka iyo Xildhibaanadda Kale ee sida gaarka ah u daneya , waxaa uu sheegay haddii uu Baarlamanku hadda wax ka qaban waayo arrinta ay marka iyaga dib ugu soo laabaneyso.

Hanti dhowrka Guud ee Qaranka ayaa kol sii horeysay waxaa uu sheegay in baaritaan ay ku sameynayan hey,adaha kala duwan ee Dowladda Soomaaliya cidii lagu arkana wax musuq maasuqa ay sharci horkeenayaan , Inkastoo aysan wali jirin Masuul ka tirsan Dowadda Soomaaliya oo loo xiray ama xitaa Maxkmadda la horkeenay arrimom laxiriira musuq maasuq

 

cowslafil.com

Be the first to comment on "Gudoomiye kuxigeenka Labaad ee Baarlamaanka Somaaliya oo kahadlay Arimo xasaasi ah"

Leave a comment

Your email address will not be published.