Aqriso qodobadii ay kuheshiiyeen Ahlusuna iyo Galmudug

Munaasabad maanta kadhacday magalada Cadaado ee gobolka Galgaduud islamrkaana ay kaqeyb galen mudanyal katirsan Baarlamanka Somaaliya ayaa waxaa heshis kukala saxiixday Ahlusuna Wal Jameeca iyo Galmudug.

Galmudug iyo Ahlu Sunna ayaa wada gaaray heshiis iskaashi, waxaana qodobada lagu heshiiyay kamid ah in  Ahlu Sunna ay qeyb ka noqoto maamulka Galmudug lana siiyo Wasiiro, Xildhibaano iyo saraakiil ciidan oo katirsan Maamulka Galmudug.

Maamulka Galmudug waxaa heshiiska u saxiixay Madaxweynaha Maamulkaasi Cabdi Kariin Xuseen Guuleed ,halka maamulka Ahlu Sunna uu isna heshiiska qalinka ugu duugay Guddoomiyaha Golayaasha Ahlusuna Sheekh Ibraahim Guureeye.

Hoos ka aqriso Qodobada lagu heshiiyay

aqriso_heshiis_cadaado

cowslafil.com

Be the first to comment on "Aqriso qodobadii ay kuheshiiyeen Ahlusuna iyo Galmudug"

Leave a comment

Your email address will not be published.