Somaliland Iyo Djibuti Muhimada Ay Uleeyihiin Shacabka Geeska Afrika Ee Qawmiyada Dir Iyo Taageerada Looga Baahanyahay Inay Siiyaan Walaalahooda Dulman Ee

Sidaan kawada warhayno siyaasada dunida maanta waa Global village= oo micnaheedu yahay Dunida oo dhan sida hal tuulo in lookala warhelo waxa maanta kadhaca tuulo yar oo Afrika kutaala minit gudaheeda laga daawado Duniga oo dhan 5ta qaaradoodba 1 minit. Somaliland iyo Djibuti mapka geeska afrika waxay kaga yaalaan wadnaha marinka dhaqaale ee Afrika oo dhan albaabka laga galo unoqonaysa mustaqbalka deegaanka geeska Afrikana Shacabka ugu dhulka badan ayey uyihiin hormood ehel oo ay tiigsadaan Shacabka geeska afrika 85% waa Qawmiyada Dir dhul ahaan iyo dad ahaanba waa qani deegaanka ugu badana waa degaan. si hadaba xuquuqdii aasaasiga ahayd ee Shacabka geeska afrika loo soo dhiciyo guud ahaan muhimada ugu weyn waa in lahelo taageero buuxda oo ay lagarab istaagaan 2daas Dawladood Shacabka walaalahooda ah ee dulman ee loo tashaday ee kunool Soomaaliya guud ahaan gaar ahaan: Mudug,Galgaduud,Hiiraan,banaadir,Shabeele hoose&dhexe labadaba iyo waamo oo duulaan qaawan oo dhulboob ahi kawadaan dad kasoo duulay dalal kale

Si loosoo afjaro dulmigaas waa in sibuuxda loo soo dhiciyaa xuquuqdii dawlada ay kulahaayeen Shacabka geeska afrika ee qawmiyada oo ah madaxweyne nimada Soomaaliya in gacanta Qawmiyada ay soo gasho xaqa Qawmiyadana dhul iyo dadba aan loo adeegsanin madaxda dawlada iyo wasiirada oo had iyo goor dulmiga Dir kudhacaya horseed ka ah dagaalka lagu hayo deegaanada Qawmiyadana hogaaminaya. Dulmiga in lajoojiyo waa waajib Diini ah oo Soomaali oo dhan danguud u ah si looga badbaado halaag guud.

SOMALILAND:guud ahaan Somaliland waxaa siyaasad ahaan iyo Diplomaasiyad ahaan hortaagan inay si Rasmiya aqoonsi buuxda uga hesho UN DF Soomaaliya oo waraaqo badan oo ay udirto dawladaha UN kamid ah ee awooda badan kuna andacoota midnimada Soomaaliya in la ilaaliyo iyadoon midnimo Soomaaliyeed larabin oo shacabkii 50km ujiray Muqdisho lagumaadayo oo guryahoodii lagubayo ayaa beesha caalamka lagu beerlaxawsadaa midnimada dalka dadkiisii oo dhan dulmanyihiin ee inyaroo tuugo ahi guranayso dakhligii dekedaha iyo Airportdada.

Si loo joojiyo Xadgudubka lagu hayo Soomaaliland ee xaga siyaasada iyo waraaqaha Diblomaasiyiinta loo gudbiyo ee lagu dacweynayo Soomaaliland waa in kursiga madaxtinimada Soomaaliya uu kufadhiistaa madaxweyne Soomaali asal ah oon dulmiga taageeraynin kaasoo Qawmiyada laftooda kasoo jeeda.

Kursiga madaxtooyada Soomaaliya waa Hubka ugu weyn ee Soomaaliya laysku dulmayo ninkii kufadhiistana danaha Qabiilkiisa iyo dadka uu isagu siyaasad ahaan xulafada layahay ayuunbuu mudnaanta siiyaa kuwa kale ee tirada badan ee Soomaaliya 96% ka ahna waa lagu tuntaa xaqooda iyo dhulkay daganyihiinba iyadoo loo adeegsado Amisom iyo magaca dawlada federaalka Soomaaliya oo ah mid reer kukooban isticmaalkiisa ciidamada iyo madaxtooyadaba imikana waxaaba bilaabmay in lagu hubeeyo Soomaaliland khaatumo iyadoo lafurayo aag cusub oo Dir dhib looga abuuro xaga Somaliland.

Hadaba siloo joojiyo xadgudubyada Qawmiyada kusocda ee aan waxbaba loola hadhin waa in si buuxda Soomaaliland ugu hawlgashaa taageerada dhaqaale,milatari iyo siyaasadeed ee Shacabka Dulman ee Geeska afrika guud ahaan gaar ahaan Qawmiyada Dir,Digil&mirifle. DJIBUTI:Shacabka dawlada djibuti iyo xukuumadaba waxaan usoo jeedinaynaa inay indhaha kalafuraan oo dib u hubiyaan siyaasadooda Soomaaliya ee indha la’aanta kutaageeraysa kooxda Daalimiinta ah ee umadii Soomaaliyeed rogtay imikana rabta inay dabka sudhaan intii hadhay ee kunoolayd dhulka beeraha.

Waana inay Djibuti ay fahamtaa dhaqaalaha bangiyadeeda ladhiganayo ee xad dhaafka ah inuu yahay xoolihii laga soo dhacay Shacabka Soomaaliyeed ee beeralayda ah dhulkoodii laboobay iyadoo Qori lagu haysto xoolihii masaakiinta kadhex shaqaynaysa ee beesha Jareer weyne iyo Digil iyo Biimaal dhulkoodii iyo dadkiiba in afduub loogu haysto oo beeraha soo go’a lacagtoodii ay tahay waxa dhiigoodii lacabsiinayo Djibuti taasoo ubaahan in sifiican oo buuxda loo joojiyo dulmiga kasocda dhulbeereedyada koonfurta Soomaaliya.

Shacabka geeska afrika deegaanadoodii oo dhan horumarka waa laga qadiyaa beerahoodiina dhulkii qaarbaa dagaal kasocdaa qaarna wixii kasoo baxa qiimo yarbaa laga siistaa faaiidadana waxaa gurta waa Tuugada iyo Daalimiinta dawlada adeegsanaya ee muqdisho jooga iyadoo Shacabkii qatanyahay kuraaxaysanaya dadka baahan dushooda ee bilaa damiirka ah taasoo muhiim ah in Djibuuti ay fahamto.

Hadaba si loo baabiiyo dulmiga Shacabka geeska afrika ku dul fadhiya waa in Somaliland iyo Djibuti kursiga madaxtooyada Soomaaliya ee lagu dulmayo xaqii ay kulahaayeen Shacabkooda dulman Soomaalia ay kashaqeeyaan in uu madaxweyne kanoqdo Qof Soomaali ah oon dulmaynin Shacabka Soomaaliyeed iyagana aan ku abuuraynin cadaawad siyaasadeed.

Kuwa imika isu kala badalaya madaxweynenimadana inay ogaadaan lana tuso dad kabadan oo kana dadnimo wanaagsan inay Soomaaliya kunoolyihiin oonay xaq ahayn inay kaligood umada kursigii loo sinaa kudulhabsadaan Gadhba Gadhbaa latusaayee kakaca.

Gabagabadii xalka Soomaaliya kumajiro sida imika uu uwado Xasan sheekh ee qabyaalada iyo sadbursiga kudhisan iyo in maamul qabiileedyo dad minority ahi kuraasidoo dhan qaybsadeen la yidhaahdo Soomaali bay matalaan iyado majoritigii Soomaaliya 96% dadkii ahaa ee Shacabka Qawmiyada Dir,Digil&mirifle iyo beesha Jareerweyne oo runtii kawada badan 2da beelood ee umada dulmaya in wax walba ay iyagu qaataan dadkii badnaana qatanaadaan dawladnimada ay kufaaiidaan dadkaas tirada yar ee dulmiga kusoo ceeshay intii Gumaystuhu dalka yimaadeen wax Soomaalinimo iyo wadaniyad iyo xaqa walaaladoodna aan xeerinaynin. Waa in daalimiinta iyo tuugada umada boobaysa laga dulkiciyaa oo lajoojiyaa cadaalad darada dalka kasocota

Siyaasada geeska afrikana dib loosaxaa cida madaxtooyada umada laga maamulayo mustaqbalkeeda ku hawlgalaysa Soomaali danteedana laga taliyaa ee aanay beel gooni uboobaysa dalka xukunkiisa mardanbe madaxtooyada uqabsanin afdub.

GUDOOMIYAHA XISBIGA SHACABKA GEESKA AFRIKA
PHILOSOPHER: HAABIIL CABDI HAYBE.

 

Be the first to comment on "Somaliland Iyo Djibuti Muhimada Ay Uleeyihiin Shacabka Geeska Afrika Ee Qawmiyada Dir Iyo Taageerada Looga Baahanyahay Inay Siiyaan Walaalahooda Dulman Ee"

Leave a comment

Your email address will not be published.