R/Wasaare kuxigeenka oo maanta qaabilay wafdi ka socday Midowga Yurub (Warsaxaafadeed + Sawiro)

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS mudane Maxamed Cumar Carteh iyo wasiiro ay ka mid yihiin Wasiirka Amniga, Waxbarashada, Qorshaynta, Diinta iyo Awqaafta, Warfaafinta iyo Deegaanka ayaa maanta kulan balaaran kula qaatay xafiiskiisa wafti ka socday Midowga Yurub oo uu hogaaminayo Madaxa Siyaasada Xiriirka Tom Vens.

Waftigan ayaa ujeedkiisu yahay sidii Soomaaliya ay uga caawin lahaayeen dhinacyada amniga, ka hortaga tahriibka iyo dhanka waxbarashada, taas oo lagu salaynayo baahiyaha ay wasaaraduhu soo gudbiyaan.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ahmiyad weyn u leedahay sidii looga hortagi lahaa tahriibka taas oo dhibaato ba’an ku haysa dhalinyarada Soomaaliyeed.

“Madaama dalka ay ka jirto shaqo la’aan ay sababeen colaadihii dalka soo maray, iyo dhibaatooyinka xagjirnimada waxaa sanad kasta sii kordhaya dhalinyarada u tahriibaya dalalka fog, waxayna la kulmaan dhibaatooyin kala duwan qaarkoodna waxayba naftooda ku waayaan xeebaha u dhaxeeya Liibiya iyo Yurub” ayuu yiri RW ku xigeenku.

Sidoo kale, xubnaha wafdiga ayaa ballan qaaday inay muhiimada koowaad siin doonaan sidii dowladda Soomaaliyeed looga caawin lahaa shaqo abuur loo sameeyo dhalinyarada si ay ugu nagaadaan dalkooda.

Dhanka kale, xubnahan ayaa sidoo kale ballan qaaday in midowga Yurub ay gacan ka geysan doonaan sidii fursado loogu abuuri lahaa gobolada iyo degaanada laga xoreeyey kooxaha Al shabaabka.

—DHAMMAAD—

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka 
Muqdisho, Soomaaliya 
media.opm@gmail.com 
Twitter: @SomaliPM

r_wasaare_2 r_wasaare_3 r_wasaare_4 r_wasaare_5 r_wasaare_II

Be the first to comment on "R/Wasaare kuxigeenka oo maanta qaabilay wafdi ka socday Midowga Yurub (Warsaxaafadeed + Sawiro)"

Leave a comment

Your email address will not be published.