Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir oo Been abuur ku sheegay in Soomaaliya ay ka noqotay Dacwadii Badda.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Dahir ayaa beeniyay wararka sheegaya in dowladda Soomaaliya ka baxday dacwadii ku saabsaneyd muranka xuduud badeedka ee kala dhaxeeya dowladda Kenya.

Xeer Ilaaliyaha ayaa sheegay in 13-ka bishan ay dowladda Soomaaliya gudbin doonto Document-yadii ka harsanaa dacwada, waxaana uu xusay in Maxkamadda Cadaaladda ay la tiigsanayaan dacwada ay qabaan.

“Waa been abuur wararka sheegaya in dowladda ay ka baxday dacwada dhinaca Badda, waxaa 13-ka bisha gudbin doonaa waxyaabihii ka haray faylkii document-yada aan horgeynay Maxkamadda Cadaaladda ee Hague, anigaana tagaya”ayuu yiri Dr. Axmed Cali Dahir.

Dr. Axmed Cali Dahir ayaa sheegay Shirkadaha Lixda ah ee ku howlanaa shidaal baarista ay shan ka mid ah heshiiskii ay buriyeen, kadib markii dowladda Soomaaliya ay digniin u jeedisay isla markaana hal shirkadda oo laga leeyahay dalka Talyaaniga ay weli ku harsan tahay heshiiska dowladda Kenya ay kula jirtay ee ay shidaal baarista ka wado Badda Soomaaliya sida uu yiri.

“Dhulka Soomaaliyeed taako kamid ah wax heshiis ah iyo wax gorgortan ah kama galayno haddii aanahay dowladda Soomaaliyeed iyo shacakiisaba” ayuu yiri Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka.

Golaha Wasiirada ayaa labo cisho ka hor ka yeeshay kulan aan caadi aheyn arrinta ku sabsan muranka xuduuda badeedka, kadib markii Wasiiradda Arrimaha Dibada Kenya Amb. Aamina Mohamed ay dhowaan sheegtay in iyaga iyo dowladda Soomaaliya ay si hoose u dhameynayaan arrinta oo aan Maxkamad la aadi doonin.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhowaan u sheegay Baarlamaanka Soomaaliya in dacwadii dhinaca Badda ay wali sideeda u taagan tahay, isla markaana ay iyaga iyo Kenya ku kala baxayaan Maxkamadda Cadaaladda Adduunka.

Si kastaba ha ahaatee muranka dhinaca Badda ee u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya ayaa soo jiitamayay, tan iyo markii Xukuumaddii KMG aheyd ee uu hogaaminayay Cumar Cabdirashiid sanadkii 2009 heshiis is faham ah la gashay dowladda Kenya, inkastoo markii dambe heshiiskaas uu laalay Baarlamaankii KMG ahaa.

cowslafil.com

2 Comments on "Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir oo Been abuur ku sheegay in Soomaaliya ay ka noqotay Dacwadii Badda."

  1. Markii horaba dad ayaaa masuul ka ahaa badaan inay muraan gasho,waxaa kaliya ee lagu baxsaday inaan ahayn dowlad ku meel gaara,hada waqtigan xaadirka ah ee aan dowlad rasmiya nahay si aada ha looga taxadaro heshiisyada lala galaayo shisheeyaha,oo waxaan dhihi lahaa xitaa dhulka ay ka gadanayaan ha loo sheego inaysan dhulka lahayn ee guryaha ama hoteelada ay ka dhisaan leeyihiin.Wadankan ingiriiska guriga kaliya ayaan leeyahay lakiin dhulka marnaba malahaan karo.tanlabaad aad iyo aad ayey ugu mahadsanyihiin cidkastoo isku daydey inaan marnaba badeenii laga amusin oo xilweyn iska saartay.

  2. Tanlabaad markey sheekada bada gees u dhacdo ileyn guul baan rajeynaynaaye wa suu xeerilaliyha hadalka u dhigaye.In ey ku xigto sidii sunta qashinka looga guri lahaa badeena,oo wiliba la raadiyo ragii lacagta faraha badan ka qaatay shiheeyaha.Idinkoo qarashka ka qaadayo kuwii keenay sunta iyo kuwii lacagta qaatey ee guryaha dibadaha ku leh.

Leave a comment

Your email address will not be published.