Hadaan Arin lalaheyn Maxaa Geela Agoontu leedahay, Owrka loogu daayey!Faallo ku saabsan Doorashada Cadaado ee Barri.

Inkastoo laga sii baxayo maalmaha xoriyada ayaa hadane dhanka kale waxaa dig iyo dam kaleh oo aan Dowlad iyo Dowlad la jireenba loo kala harin Doorashada maalinta bariyaa lagu wado in lagu qabtaa magaalada Cadaado oo maal mahanba aheyd halbeega siyaasada sanadka danbe halka lagu ogaan doono.

Duulimaadyada Diyaaradaha ee aan kala joogsiga laheyn iyo Aduun Lacageedka loogu talagalay in ay ku baxdaa Doorashada bari oo ah mid ka badan qiyaas ahaan Afar Milyan oo Doolar ayaa bixineysa muuqaal ka duwan duruufaha dhaqaale ee ay la ciir ciirayaal Shacabka Soomaaliyeed kaasoo ah mid kaaf iyo kala dheeriya, iyadoo cid moogan duruufahaa aysan ku sugneyn Cadaado iyo Caasimadaba balse kuwa Caleema saarkaa un u muuqdaa aysan jixin jix u laheyd cid qaday iyo cid qadeysaaba.

Shacabka Soomaaliyeed ee iyagu ku dawaqsan nidaamka Sixirka ee Fidiraalka loo yaqaan kaasoo hadaba uu sii bilowday ujeedkii gayigeena looga unkay ayaa hadana la yaaban sababta maamul Goboleedkan Gobolada dhexe u noqday kan kaliyee lagu hardamayee laba xoog lihi wixii Xaashiyo Lacageed ay hayeen isugu bira tumanaya.

Ogaalka shacabka ma mooga in maalinta bari ay la mid tahay Ciyaarta Lix iyo Tobankoo lasoo qadimay taasoo ka dhaceysa Garoon tijaaba ah oo ay saxmadu ku badan tahay iyadoo midkii lacagi u been sheegtaa banaanka imaanayo halka kan kale Lix iyo Tobanka uu suganayo isagoo saluugsan.

Dhaqaalaha ku baxayaa doorashadaa ayaa ah mid aan is warsi laheyn halka ay ka timid iyo magaca ay ku baxaysaa balse ujeedku yahay kii shalay aad ka adkaatay yuusan kuu talin iyo kii iga adkaaday shalayto aan kabisiiyo kuleelka jabka iyo qatooyo kursi, waase sidaasoo shacab jeebku maran yahay dusha ka daawanayaan iyagoo leh dantaa inoo kiin gacmo xirtay.

Qiimo kaca Xilibaan Goboleedka lagu iibsankaro codkiisa ayaa sii kacaysa saacadba saacada kadanbeysa waana mid aad loogu tartamayo codkiisa si loo helo iyadoo dhanka kale dad badan aysan usuuroobay in ay helaan Afur wanaagsan ama afurba, waxaadse xusuusaneysaa doorashada Cadaado ee Aduun lacageedkaa lagu bixinayo ujeedka dhabta ah iney tahay un Hadaan Arin lalaheyn Maxaa Geela Ogaantu leedahay, Owrka loogu daayey.

cowslafil.com

Be the first to comment on "Hadaan Arin lalaheyn Maxaa Geela Agoontu leedahay, Owrka loogu daayey!Faallo ku saabsan Doorashada Cadaado ee Barri."

Leave a comment

Your email address will not be published.