Ciidamada Xooga Dalka Oo Lasheegay In Latayen Doono

Guddoomiyaha Guddiga Difaaca Barlamaanka ee Soomaaliya xildhibaan Xuseen Carab Ciise ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la dhiso lagana shaqeeyo tayaynta Ciidamada Dowlada Soomaaliya si loogu maarmo Ciidamada Shisheeye eek u sugan Soomaaliya.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale sheegay in lagu guuleysan karo hadii meel loogu soo wada jeesto tayaynta Ciidamada Dowlada isla markaana Madaxda loogu baahan yahay in ay ka fakiraan tayaynta iyo dhisida Ciidamo Qaran.

Waxa uu xusay in ay Saraakiisha Ciidamada loogu baahan yahay in ay dhiira gelin Ciidamada isla markaana ku amaanaa howsha adag oo ay hayaan.

Hadalkaan ayuu Guddoomiyaha Guddiga Difaaca Barlamaanka ee Soomaaliya xildhibaan Xuseen Carab Ciise ka sheegay ka dib kulan Su’aalo ay guddiga difaaca baarlamaanka Soomaaliya ku weydiiyeen Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya iyo Taliyaha Ciidamada Xooga Dalka.

cowslafil.com

Be the first to comment on "Ciidamada Xooga Dalka Oo Lasheegay In Latayen Doono"

Leave a comment

Your email address will not be published.