Wargeyska ka soo baxa degaanada Kabxanleey iyo Deefoow

Xaalada degaanada Deefoow iyo Kabxanleey ayaa degen, halkaas oo ay nabadgalyada degaanka si aad ah u sugayaan ciidamada nabadsugida degaanadan, taasi oo dhalisay in dadka degaanka ay bisha barakeysan iyo waajibaadka cibaado suuban iyo in wanaaga laga shaqeeyo ay ku mashquulsan yihiin.

Maamulka Golahada Samatabixinta iyo aayo ka talinta shacabka reer Hiiraan ayaa iyagana ku howlan howlaha iyo masuuliyada ay u hayaan shacabkooda, iyagoo si aad ah u dardar geliyey howlaha Golaha, habeen iyo maalinba u fadhiya sidii loo heli lahaa nidaam lagu badbaadiyo shacabka Gobolka, isla mar ahaantaana leysaga kaashado sidii loo abuuri lahaa jawi nabadeed oo ka duwan colaadaha halakeeyey gobolka sannadihii ugu danbeeyey. Gobolka Hiiraan wuxuu u baahan yahay in laga saaro jahawareerka iyo colaada, loona jiheeyo nabada iyo horumarka.

Maamulka Golaha Samatabixinta oo aaminsan in maamul xalaal ah oo ka dhasha Hiiraan inuu badbaado u noqon karo gaar ahaan reer Hiiraan, guud ahaan dhamaan dalka Soomaaliya. Sababtoo ah Gobolka Hiiraan waa gobol ay ku dhaqan yihiin dhamaan beelaha Soomaaliyeed.

Haddii la helo hishiis ay qeyb ka yihiin dhamaan 14’ka beelood ee ku dhaqan gobolka Hiiraan, loona helo nidaam lagu badbaadin shacabka, lana dhaqan geliya wada tashi iyo qorshe horumar oo isbedel la taaban karo dhaliya, taasi waxay tusaale u noqon dalka iyo dadka intiisa kale.

Waxaa durbaba soo ifiya rajo nabadeed iyo barwaaqo ay ku haminayaan shacabka Gobolka Hiiraan, halka hogaanka Golaha Samatabixinta ay gudiyadooda kala duwan ku howlan yihiin habeen iyo maaliinba qorsheynta iyo dhaqangelinta howlaha samatabixinta iyo aayo ka talinta shacabka Gobolka Hiiraan.

cowslafil.com

6 Comments on "Wargeyska ka soo baxa degaanada Kabxanleey iyo Deefoow"

  1. Guuleysta inta ku talinayso cadaalada iyo nabada kuwa fowlada iyo mooriyaan nimada ku shaqeystana Allah ha idinka reebo ficiladan xun ee aad caadeysateen waa hadii uu kheyr idinladoonay. Hadii kale Rabbi ummada ha idinka qabto oo talada ha u gacangaliyo inta kheyr ka iyo samaha ka shaqeyso.

  2. Maxamuud Kaatun | July 6, 2015 at 3:23 am | Reply

    Waxaa loo baahan yahay in website lagu qoro taariikhda Kabxanleey iyo deegaanada ku xeeran . waan idiin billaabay ku daro wixii kale ee xog. Fadlan arrinta ha ahaato wax run ah oo aan aheyn faan raqiis ah oo qofkii boqdaaba u dhaho waa cantar baqash. Hanoo yaraato, hanoo badato Runta ha la qoro. taas ayaan ku dagaaltagaynaa. waa wanaag naga badan oo aan u baahnayn in lagu daro been iyo baadil.
    Cid haysata oo la tartami karto Kabxanleey ayaaba iska yar. Kabxanleey kama soo baxaan Mooryaan, Ardaal, Qaran dumis. Dadkeeda waxay u badan yihiin Qunyar socod iska baara xaqqa iyo baadilka, ka faano Dulmiga iyo been wax ku cunka

  3. Maxamuud Kaatun | July 6, 2015 at 3:34 am | Reply

    Ku qor Google” Kabxanleey”
    waxaa kuu soo bixi doona Kabxanleey -Wikepedia.

    Markaas aqri xogtaa . Waxii xog run ah ee iga qaldan ama ka maqan ku dar.
    Haddaad taqanid dad reer kabxanleey ah oo aaan xusin ee aad xogtooda tacliin, ganacsi, diineed ama farsamoyaqaanno taqaanid fadlin ku dar..
    Fadlan ha ku darin dad aan reer kabxanleey ahayn. Dadkaas reer faqacumar waxaan ku xusi donna deegaanada ay ka soo jeedaan. Dadkii gedo iyo dirharo waxaan ku sheegaynaa in faqacumar degaan deegaanno kale , haldoorkoodan halkaa lagu xuso.

    Fiira gaar ah : ujeedada waa in la qoraa deegaanada ay reer faqacumar degaan iyo haldoorada deegaan kasto. Fadlan sax ( edit) wixii ka dhiman oo ku dar.

    Laakiin Ballanta waa Honesty & Integrity. Soomaaliya waxaa meeshan dhigay been iyo iska hadal

  4. Walal waan ku salaamay, waan kugu raacsanahay lakiin awowgeen lama dhihi jirin faqa ee aan ku saxo waa fiqi adigoo iga raali ah isticmaal kan saxda ah.

  5. Asc
    Maxamuud waa fikir wanaagsan, kabxanleyna taariikh dheer bey Leedahay dad aad u qiimo badan oo dadka iyo dalkana wanaag badan kusoo kordhiyey ayaa ka dhashay. Laakiin mustawaha meesha lagu qorayo ayaan u arkaa inaysan halkan aheyn, saa mararka qaar meesha waxaa ku daac daacsada kuwo aan caqli iyo cilmi toona laheyn, akhlaaqda wanaagsan iyo ka xishoodka beentana aananba lagu soo ababin. Intaasna ay u dheertahay isla weyni iyo cawaan nimo aad ka dheehan karto qoraaladooda.
    waxay ilatahay in tafatiraha webka inoo soo gudbiyo e-mail loogu soo hagaajiyo wixii akhbaar ah ee qof kasta

  6. Asc
    Maxamuud waa fikir wanaagsan, kabxanleyna taariikh dheer bey Leedahay dad aad u qiimo badan oo dadka iyo dalkana wanaag badan kusoo kordhiyey ayaa ka dhashay. Laakiin mustawaha meesha lagu qorayo ayaan u arkaa inaysan halkan aheyn, saa mararka qaar meesha waxaa ku daac daacsada kuwo aan caqli iyo cilmi toona laheyn, akhlaaqda wanaagsan iyo ka xishoodka beentana aananba lagu soo ababin. Intaasna ay u dheertahay isla weyni iyo cawaan nimo aad ka dheehan karto qoraaladooda.
    waxay ilatahay in tafatiraha webka inoo soo gudbiyo e-mail loogu soo hagaajiyo wixii akhbaar ah ee qofkastaa hayo si uu ooga diyaariyo barnaamij taxana ah oo intii aan aqoon kabxanley waxay tahay lagu barayo taariikhdeeda. Saa dad hal dhag wax ku maqla oo juhala u badan ayaa loogu soo sheekeeyey meesha adinkaa leh, macalinkii dugsiga ilmaha idiin kugu dhigi jiray ayaa idinka qaadaya. Waxaysan ogeyn inaan gobolka kaga soo horeeynay kagana fac weynahay. Marka in dadkan wax labaro oo jahliga laga saaro wey haboontahay si aan mar dambe been looga sheegin, sidaasna ay ooga badbaadaan thulmiga iyo jidka Jahanamo ee ay hada ku socdaan.
    Marka akhyaarta webkaay barnaamij noo fura si aan ooga wada faa’iidaysano.
    Wabillahi towfiiq.
    wsc

Leave a comment

Your email address will not be published.