DUULIYE ASLI XASAN CABAADE “CALANSIDA” OO U SOO HAMBALYEYSAY UMMADDA SOOMAALIYEED IYO MUSLIMIINTOO IDIL BISHA BARAKEYSAN EE RAMADAAN

Bismillaahir-Raxmaanir-Raxiim RAMADAAN KARIIM

Walaalayaal Soomaaliyeey iyo intii Islaam ahoo idilba, waxaa foodda innagu soo haysa ama na soo martineysa Bishii khayrka badneyd ee (Ramadaan), waana hubaal iney tahay Marti Culus oo aad u qiima badan. Waa Munaasabad aad u wayn, oo uu Ilaahay (s.w.t.) ku dhaafo Dambiyada Addoomaha ay galaan, isla mar ahaantaana uu dhexdeeda ku kordhiyo abaalmarinta, iyo xasanaadka qofkii isaga muteysta maamuuskaas.

Walaalayaal, waa lagama-maarmaan ineynu ogaanno, iney tahay Gallad iyo Nicma qofkii uu Allaah (s.w.t.) waafajiyo inuu gaadho Bisha Ramadaan, sidaa darteed, waxaa habboon inaan Ilaahay (s.w.t.) uga Mahad celinno, haddii uu cumriga na gaadhsiiyo inaan haleelno Bisha Fadliga badan ee Ramadaan.

Immisa Ruux ayaan la waafajinin iney gaadhaan Bisha Ramadaan, oo iyadoo wax yar ay ka hartay geeriyooday, ama haleelay Bisha Ramadaanka, hase ahaatee aan la waafajinin iney ka faa’ iideystaan. Alloow Adaa Wayn oo Waaxid ah, waa nasiib darro labadaas tilmaamoodba, waxaynu ka magan galnay Allaah (s.w.t.) ee Awoodda Badan. Walaalayaal, waa inaan si farxad leh ku qaabilnaa Bisha Ramadaan ee Barakeysan oo foodda innagu soo haysa, annagoo dib u eegeyna Taariikhdii Maamuuska lahayd ee uu noolaa Xabiibkii Rasuulkeenna Muxammad (s.c.w.), si aynu uga baranno qaabkii iyo waddadii uu Rasuulka (s.c.w.) iyo Asxaabtuba ugu soo dhaweyn jireen Bisha Ramadaan.

Ugu horreyntiiba, wuxuu Rasuulka (s.c.w.) ugu bishaareyn jiray Muslimiinta bilashada Bisha Ramadaan, dabadeedna isagoo ay weheliyaan Ardaydiisii qiimaha badnaa ee Asxaabta, waxay dhammaan Bishaas Barakeysan ku cammiri jireen Cibaado farabbadan oo kala duwan.

Dadaalkii Rasuulkeenna (s.c.w.) ee Ramadaanka: Caa’isha (r.c.), iyadoo noo iftiimineysa siduu Nabigeenna (s.c.w.) ugu dadaali jiray (Salaatul-Leylka) waxay tidhi: (haka tagina Salaatul-Leylka, maxaa yeelay, ma’uusan ka tagi jirin Rasuulka (c.s.w.), haddii uu xanuunsanyahay ama uu caajiso, fadhiga ayuu ku tukan jiray. Salaaddaas iyo dadaalkaas wuu sii laban-laabi jiray Rasuulka (c.s.w.) marka la gaadho Ramadaanka, Saxaabadana way kaga shiidaal qaateen sunnadaas. Cumar Binu Khadhaab (r.c.), marka la gaadho habeenka wuxuu u istaagi jiray Salaad, isagoo si ay khushuuc ku dheehantahay u dheereen jiray Salaadaha habeenka. Habeenka saqda dhexe marka la gaadho, wuxuu Salaadda u toosin jiray reerkiisa, isagoo ku odhan jiray Salaadda, Salaadda, wuxuuna ku dul akhrin jiray Aayadda uu Allaah (s.w.t.) ku leeyahay: “waxaad qoyskaaga fartaa Salaadda iyo Zakada”.

Xadiis uu weriyay Imaam Axmad, uuna ka werinaayo Abuu Hureyrah (r.c.), wuxuu Rasuulka (c.s.w.) yidhi: Xadiis macnihiisu ahaa: “waxaa idiin timid Bishii Ramadaan, wuxuu Allaah (s.w.t.) idinku waajibiyay inaad soontaan, Bishaas waxaa la furaa Albaabbada Jannada, waxaa la xidhaa Albaabbada Naarta (walciyaaddu Billaah), waxaa kaloo la xidhaa Shayaadhiinta, waxaa ku jirta Habeen ka khayr badan kun Habeen, ruuxii laga xarrimo khayrkeeda, waa qof khayr laga xarrimay”. Haddaba Bisha sidaas u khayrka badan, waxaa habboon ineynu ku dadaalno sidii aan uga faa’iideysan lahayn khayraadkeeda, oo aan gadaal dambe aannaan uga qowmameynin.

Soonka waa la’ aqbalaa Ducada: Walaalayaal, waxaa nalaga doonayaa ineynu Bishaan Kheyrka badan aan kula qaabbilno Tawbad badan, Qur’aan akhris badan, Salaad badan, Baarri-falka iyo Sama-falka Waalidka, Waxtarka iyo Taageerada Dadka dhibaateysan, Islaaxinta iyo Xidhiidhka Qaraabada, iyo dhammaan waddooyinka khayrka ee uu Allaah (s.w.t.) ka raalli yahay. Bisha Ramadaan waa Bishii Naxariista, waa Bishii Dembi-dhaafka badneyd, waa Bishii Xoreynta Naarta, lama koobi karo Fadliga Bisha Ramadaan, waxaana ka mid ah, in la’aqbalo Ducada Addoomada suubban ay baryayaan Rabbigeen (s.w.t.).

Wuxuu Allaah (s.w.t.) yidhi: isagoo ka hadlaya arrintan, “Hadduu Addoonkayga xaggeyga wax iga waydiisto, waxaan u ahay mid u dhow oo aqbala ducada markuu wax i weydiisanaayo”. Dhinaca kale, Xadiis uu Imaam Axmad ka wariyey Rasuulkeenna (s.c.w.), wuxuu Rasuulka (s.c.w.) yidhi: “Saddex ducadooda lama celiyo”, waxayna Saddexdaas kala yihiin:

1- Qofka Sooman ilaa uu ka’ afuro.

2- Madaxwaynaha Caaddilka’ ah.

3- Qofka la dumimiyay habaarkiisa.

Deeqsinnimada iyo Soonka: Walaalayaal sidoo kale, Bisha Ramadaan waa Bil ku caanbaxsan deeqsinnimada, Sama-falka iyo Ixsaanka. Cabdullaahi Binu Cabbaas (r.c.) wuxuu yidhi: “Rasuulka (c.s.w.) wuxuu ahaa Kan Dadka ugu deeqsinnimada badan, wuxuuna ugu sii deeqsinnimo badnaa Bisha Ramadaan, gaar ahaan waqtiga uu la kulmaayo Malagga Jibriil (c.s.), habeen kasta wuu la kulmi jiray Jibriil (c.s.) iyagoo daraasayn jiray Qur’aanka”.

Sidaa darteed, wuxuu Imaamu Saafici yidhi: “waxaan jeclahay inuu qofka badiyo deeqsinnimada si uu ugu daydo Rasuulka (c.s.w.), dhinaca kale wuxuu Rasuulka (s.c.w.) Qur’aanka la daraasayn jiray oo la akhrin jiray Jibriil (c.s.) bisha Ramadaan, waxay dhammeyn jireen Qur’aanka Bisha oo dhan hal jeer, hase ahaatee Sannadkii ugu dambeeyay ee uu soomay Rasuulka (s.c.w.), waxay Qur’aanka khatimeen labo jeer. Dadka uu Allaah (s.w.t.) ku galladeystay hantida, waxaa la gudboon iney ku dadaalaan waxtarka Dadka Tabaaleysan, siiba Bisha Ramadaan.

Ajar aad u wayn ayaa lagu sheegay qofkii afuriya qof Muslim ah Bisha Ramadaan. Wuxuu Rasuulka (c.s.w.) noo tilmaamay in qofkii afuriya qof Muslim ah, uu leeyahay Ajarkii kii soomanaa oo kale, iyadoo kii soomanaana’ aan laga naaqusin ama laga dhimin Ajarkiisa, waa Fadli aad u wayn. Bisha Ramadaanka, waxaa ku jira Habeen ka khayr badan (Kun Habeen), sida uu Allaah (s.w.t.) noogu sheegay Suuradda Al-Qadr. Inkastoo aan Habeenkaas la cayimin Habeenka’ ay ku begantahay, haddana waxaa Muslimiinta laga doonayaa iney ku dadaalaan dammaan Habeennada iyo Maalmaha Ramadaanka uu ka kooban yahay, si’ ay uga faa’ iideystaan Fadliga Ramadaanka.

Al-Baabka Dadka Sooman ay ka galayaan: Walaalayaal, Cibaadada Soonka wuxu qofka dhaxalsiiyaa Jannada, iyo inuu ka galo Maalinta Qiyaamaha mid ka mid ah Al-Baabbada Jannada, kaasoo loogu magac-daray (Ray-yaan). Saxaabiga la yidhaahdo Sahal Binu Sacaad ayaa wuxuu Rasuulka (c.s.w.) ka wariyay isagoo leh: “waxaa Jannada dhexdeeda ahaaday Al-Baab la yidhaahdo (Ray-yaan), Al-Baabkaas ayeey Dadkii Soomanaa ka soo galayaan Maalinta Qiyaamaha, qof aan Ayaga ahayn kama soo galayo Al-Baabkaas, waxaa la odhanayaa: aaway Dadkii Soomanaa?, markaas bay istaagaan, qof aan ayaga ahayn ma soo galayo”. Allaah (s.w.t.) haka raalli noqdee, Saxaabiga la yidhaahdo Abii Umaama ayaa weydiiyay Rasuulka (s.c.w.), wuxuuna ku yidhi: “Rasuulkii Alloow waxaad i fartaa Arrin uu Allaah (s.w.t.) igu anfacayo”, markaasuu Rasuulka (c.s.w.) wuxuu ugu jawaabay: “waxaad ku dadaashaa Soonka, ma jiraan wax la mid ah”, Soonka iyo guulihii Muslimiinta lama koobi karo Munaasabadaha qiimaha leh ee Ramadaan. Bisha Ramadaan waa Bilihii ay Muslimiinta soo hoyeen guulihii ugu waaweynaa ee Islaamka. Dagaalkii ugu waynaa ee ay Muslimiinta ku guuleysteen, wuxuu ahaa Dagaalkii weynaa ee Badar, haddana Dagaalkaasi wuxuu dhacay Bil Ramadaan 17 keedii Sannadkii labaad ee Hijriga.

Waa Dagaalkii ay qayb libaax leh ay ka qaateen Malaa’ igtii sharafta badneyd ee uu hoggaaminayay Jibriil (c.s.), wuxuu Allaah (s.w.t.) yidhi: Isagoo ka hadlaya Dagaalkaas “Dhab ahaantii wuxuu Allaah (s.w.t.) idiin gargaaray Badar idinkoo dulleysan”. Dagaalkaas Badar markii laga soo wareegay qiyaastii 4 sano iyo xoogaa, waxay haddana Muslimiinta soo hoyeen guushii ay ku furteen Magaalada Makkah, waa furashadii Magaalada Makkah oo ku beegnayd 20 kii Ramadaan ee sannadkii 6 aad ee Hijriga, halkaasna wuxuu Rasuulka (c.s.w.) ku aasay oo uu ku burburiyay Asnaamtii boqollaalka gaadhayay ee ku xoonsanaa hareeraha Kacbada. Inkastoo labadaasi guulood ay ku beegmeen Bil Ramadaan dhexdeed, haddana waxaa jidhay guulo kale oo ay Muslimiinta soo hoyeen isla Bisha Ramadaan, waxaana ka mid ahaa Furashadii Andalus sannadkii 92 kii Hijriga, Furashadii Cammuuriya sannadkii 223 kii Hijriga, Dagaalkii Zalaaqa ee hore sannadkii 479 kii ee Hijriga, Dagaalkii Xaarim ee sannadkii 559 kii Hijriga iyo Dagaalkii Cayn-Jaaluut ee sannadkii 658 kii Hijriga.

Ugu dambeyntii walaalayaal, haddaad macaasi iyo dembi badneyd uga faa’ iideyso Bishan, Dembi-dhaaf dalbid iyo Salaado badan. Waxay ayaan darro haysataa, Ruuxii laga xaaraantimeeyay khayraadka iyo fadliga Soonka. Ilaahay (s.w.t.) Ha’ innaga dhigo kuwii ka faa’ iideysta Fadliga Ramadaanka iyo Inuu naga dhigo kuwa loogu Naxariisto Ramadaanka, Naartana (Walciyaaddu Billaah) looga xoreeyo, aamiin. Aamiin Yaa Raxmaanud-Dunyaa Wa Yaa Raxiimul-Aakhirah.

.

Jazaakumullaahu Khayran RAMADAAN KARIIM

Asli Xasan Cabaade – Calansida

aslicalansida@hotmail.com ama aslicalansida@yahoo.com

Read more: http://www.qaranimo.com/2015/06/17/ramadaan-kariim/#ixzz3dLgC6OSh