Degaanada Deefow, Kabxanleey, Dusmo, iyo Madiina oo ay dadka degaanka isku diyaarinayaan soo dhaweynta Bisha Barakeysan ee ramadaan.
Dadkii halkaa ka barakacay oo bilaabay inay dib ugu soo laabtaan degaanka, nabadgelyo, farxad, iyo niyad wanaagsan ku jooga degaanadooda, iyagoo isu diyaarin bisha barakeysan ee ramadaan.
Dadka degaanadan ku dhaqan ayaa nasiib u yeelan inay guryahoodii iyo degaankoodii ay ku qaataan farxada bisha barakeysan iyo ciida, halka dagaal gardaro ah lagu soo qaado degaanadan xilliga umadu ay nasan, cibaadeysan, sooman yihiin, ama isu diyaarin maalinta qiimaha weyn u leh dhamaan dadka muslimiinta ah.
Ka dib markii lagu dhawaaqay Golaha Samatabixinta iyo aayo ka talinta reer Hiiraan ayaa waxaad moodaa in gobolka uu galay jawi cusub, dhamaan dadkii halkaa ku dhibanaa ay sameysteen maamul ka dhaxeeya, kuna howlan badbaadada shacabka gobolka, isla mar ahaantaana xil adag iska saaray sugida amaanka iyo xasiloonida gobolka.
Waxaa socda shirkii beelaha reer Hiiraan, oo ah shir weyne xiga kii lagu qabtay Deefoow. Shirkan oo ka socda Galbeedka Baladweyne ayaa waxaa halkaa ku sugan dhamaan 12’kii beelood ee soo xaadiray shirka Deefoow, halka la sugayo beelaha dhiman inay iyagana ka soo qeyb galaan shirkan looga tashan badbaadada iyo aayaha reer Hiiraan.
Hogaanka golahan oo leh gole guurto (rug cadaaga beelaha reer Hiiraan), gudi fulin, iyo gudiyo kaloo badan oo leh xirfada lagu dhaqan gelin howlaha adag ee horyaal golahan oo dhamaan xubnaha ka tirsan ay ka go’an tahay in shacabka reer Hiiraan loo jiheeyo nabad, horumar, midnimo, iyo in gobolka karaamadii iyo sumcadii uu lahaa dib loo soo celiyo.
Hogaanka golahan ayaa sheegay inay rajo weyn ka qabaan in bisha barakaysan aysan ka dhicin colaad danbe gobolka, cid walba oo daneysa arrimaha gobolkana ay ka shaqeeyaan wacyi gelinta nabada, xasiloonida, midnimada, iyo in la abuuro jawi cusub oo dan u ah dhamaan dadka ka soo jeeda Gobolka Hiiraan.
Golaha Samatabixinta iyo aayo ka talinta reer Hiiraan ayaa noqday mid abuuray jawi cusub, halka ay dhamaan xubnaha Golahan ay ku hami weyn yihiin inuu u dhashay hogaan xalaal ah, baahi badana ay u qabaan dhamaan shacabka reer Hiiraan, si aad ahna loogu hami weyn yahay inuu noqdo hogaan suubaan oo samata bixiya shacabka reer Hiiraan.
Waxaan idiin soo gudbin dhawaan maqal iyo muuqaal ku saabsan habsami u socodka shirka Baladweyne ee ah kii xigay shirweynihii Deefoow.
cowslafil.com
Be the first to comment on "Degmooyinka Deefoow iyo Kabxanleey oo isu diyaarin bisha Barakaysan ee Ramadaan"