Maamulka gobolka Hiiraan oo ku hanjabay inay Deefoow Xoog ku qabsan

Gudoomiye ku xigeenka Gobolka oo halkeedii ka sii wada qorshaha beesha Xawaadle ay ku xalaaleysan dulmiga iyo duulaanka ay ku yihiin dadka degaanka Deefow iyo Kabxanleey.

Gudoomiye ku xigeenka ayaa ku hanjabay inay Deefoow tagaan oo ay ka raacdeeyaan dadka degaanka inaysan u fududahay, welina wada qorshaha raqiiska ah oo ay beesha Xawaadle ku andacoota mar walba, kaas oo ah Nabad hala qaato, iyadoo ujeedada ay ka leeyihiin qorshaha nabada ay tahay, nabad aan daacad laga aheyn, balse la rabo in la yiraahdo nabadii waa diideen dadka Kabxanleey iyo Deefoow, halkaasna lagu xalaashado duulaanka iyo gardarada lagu hayo degaanadan.

Haddii ay jirto beel jabisa nidaamka iyo Balanta nabada, oo ay Soomaalida gobolka degto oo idil ay ogyihiin waa beesha Xawaadle, waxaa ay ka dhaxleen taasi oo ah inay ku jabaan inta badan dagaalada gardarada ah, cidii raacdaa dariiqa dulmiga ay caadeysteen beeshan ka soo duusha Bariga Baladweyne inaysan iyagana guul daro u danbeyn.

Hanjabaada Gudoomiye ku xigeenka ayaa beelaha Surre oo Kabxanleey iyo Deefoow jawaab ka bixiyeen, halkan ka dhageyso

cowslafil.com