Dhegeyso C/raxmaan Xuseen luga Yare “Cidna duulaan kuma nihin, Difaaco Nafsi ayaan nahay.

C/raxmaan Xuseen luga yare oo ah Oday dhaqameed kasoo jeeda Deegaanada Deefow iyo kabxanlay ayaa ka hadlay war shalay uu siiyey Warbaahinta Mas’uul sheeganaya Maamulka Gobolka Hiiraan.

Luga yare ayaa weeraray Xuseen Cismaan Cali oo sheeganaya Gudoomiye ku xigeenka gobolka Hiiraan oo deegaanka deefow ku tilmaamay meel laga maamulo Dhulka Maamulka Somaalida itobiya ayna joogaan Ciidamo Maamulkaasi ka tirsan.

C/raxmaan luga yare ayaa sheegay in deegaanadooda ay ku nabad gali la’yihiin ayna weeraro joogta ah kala kulmaan Maleeshiyaad ka amar qaata Maamulka Hiiraan ee uu hugaamiyo C/fataax Xasan afrax.
“Deegaankeena ayaan ku nabad geli la’nahay difaaco nafsi ayaan ku jirnaa, maamulka hiiraan ayaa nasoo

weeraraya waana ka xunnahay hadana in uu hanjabo”. Ayuu yiri Ca/raxmaan Xuseen luga yre.
“Afar sano dadka iyo hantidooda ayuu Maamulka baab’iyey marna magac shabaab ayaa nalagu shaabadeena marna liyuu booliis qabiil dhan ayuu shaar dowladeed ku tir tiara” ayaa hadalkiisa uu sii raaciyey luga yare.

Dhegeyso Wareysiga.

cowslafil.com

Be the first to comment on "Dhegeyso C/raxmaan Xuseen luga Yare “Cidna duulaan kuma nihin, Difaaco Nafsi ayaan nahay."

Leave a comment

Your email address will not be published.