Beesha Xawaadle oo balan nabad qabtay saakay 10’ka aroornimo, salaadii subaxna dagaal soo qaaday

Balanta iyo nabada waa ay ku dheertahay dadka islaamka, inta jeer oo ay beeshan gogol nabadeed ay dhigeen, dagaalna soo qaadeen xisaab malaha, oo dagaalkii maanta oo ugu danbeeyey waxaa la sheegay inay gogol nabadeed iyo balan 10’ka subaxnimo ay Surre ugu yeereen, salaadii subaxna ay weerar ku soo qaadeen degaanada Surre.

Dagaalka maanta ay Xawaadle soo qaadeen ayaa ahaa mid ay ugu tala galeen inay cagta mariyaan degaanada Kabxanleey iyo Deefow, ku laayaan maatada Surre ee ku sugan Buurdhiinle, soona xiraan xuduuda Itoobiya iyo Hiiraan, iyo weliba ay xoojiyaan saldhigooda ciidan oo ay ula baxeen Maxamuud Gacal.

Nabad diid iyo nimaan balan laheyn waan aragnaa waxay ka dhaxleen dagaalka gardarada ay ku soo qaadeen degaanada Surre iyo Maatada ku sugan Buurdhiinle.

Waxaa si geesinimo leh u isu hortaagay, carqaladeeyeyna qorshaha guracan ee dulmiga huwan, geesiyada beelaha Surre ee ku sugan degaanada dirirtu ay ka dhacday maanta.

Beesha Xawaadle ayaa ku jabay dagaalkii seddex geeska ahaa oo ay maanta soo qaadeen, dhimasho ilaa 40’meeyo, dhaawac intaa ka badan, baabuur tekniko ah oo looga gubay, hub qoryo yar yar iyo dabajeexyo laga furtay, iyo jab intaa ka badan oo aan dhowaan halkan idiinku soo gudbin doono.

Beesha Xawaadle ayaa qaadacday wax alaale wixii astaan u ahaa dhaqanka iyo diinteena suuban sida balamaha nabada iyo deris wanaaga Diinta Islaamka ay ina farayso, cadeysatay cadaawad aan dhamaaneyn iyo dulmi joogta ah, arrimahaan oo idil oo sababay inay ay ka dhaxlaan sumcad xumo guud gobolka, inay ku dhameeyaan wiilal la soo qalday dagaal gardaro ah, in umadihii kale ee gobolka ku dhaqnaa oo idil ay maanta wax waji iyo wanaag aysan u heyn ama ka sugeyn beeshan sababta u ah colaadaha ka huraya gobolka mudo ka badan labo sanno.

Weli waxaan wadnaa inaan soo uruurino warbixino la xiriira degaanada dirirta ay ka dhacday maanta, dib ayaana idiinkala soo socodsiin wixii soo kordha hadduu Alle Idmo

cowslafil.com