Gaashaanle Sare Jiilba Jiil: Dulmiga Ciidamada Qaranka uu ku xasuuqaayo Reer Deefoow iyo kabxanleey ayaa lagu qarinayaa Hadalada Been abuurka.

Wareeysi ay shabakada Deefoow.com layeelanay Gaashaanle Sare Maxamed Jiilba jiil ayuu ku sheegay in dulmi baahay uu ka jiro Gobolka Hiiraan Dadka weerarka ku ah Deefoow iyo Kabxanleey oo ah Dad Iimaan la,aan ah ayagoo waliba baahinaayo warar been abuur ah in ay la dagaalamayaan Dawlada Dariska,

Arintan waxaa lagu qarinayaa oo la rabaa inlagu daboolo dulmiga iyo xasuuqa uu mudo sadex sano ay ka wadeen Gobolka hiiraan gaar ahaan Deegaanada Surre Beesha Bariga Baladweeyne oo kaashaneeysa Ciidamadii Qaranka oo loogu tala galay in ay Difaacaan Umadda Soomaaliyeed,

Shaqsiyan aniga ma rabin in aan galo dagaal mar hore ayaan jecleeystay in aan ka fariisto Ciidamada waxaase isoo galiyay Markii Dawlad ku sheega Soomaaliya Taaageero Hiil iyo hoo la garab istaagtay Beel Duulaan ku ah Deegaankii iyo dadkii aan ka dhashay Beeshaasoo ay aqoontu ku yartahay,

Waxaan layaabay oo aan la amakaagay Dadkii Dulmiga waday Mudadaas dheer ee nagu sheegay in aan taageero ka helo isla markaana ay na wehliyaan All-shabaab, Ubo, Somaliland Puntland iyo qaybo badan oo ineey meel isigu keenaan ku kaliftay Qarawgii uu ku abuuray Nabaradaan u geeysanay in ay maanta Eedeeyaan oo ay yiraahdaan Itoobiya ayaa dagaalka ku jirta si ay Bulshada Soomaaliyeed ugu abuuraan Caloolnugeeyl isla markaana uga helaan hiil.

Rag nacasnimo iyo fulaynimo waaloo dhaamaa hadaad dagaal rabtaan hubkeena waan heeysanaa waxaan idin leenahay soo dhowaada aan ku wada hadalno Afka Milatariga adigoon calaan caleeyn ayuu hadalkiisa sii raaciyay Mudane Gashaanle Sare Jiilba jiil,

Asagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri ma maleeynaayo hadii ay rabaan Beesha Bariga Baladweeyne wax ka degta in ay Itoobiya weeraraan wey heli karaan dariiq aan ahayn wado sii marta Deegaanka Beesha Surre ha mareen waxna yeey naga siin faa,iidada ay kala yimaadaan,

Hadeey rabaan in ay mar kalae anaga na bara kiciyaana ha dhaafeen hadalada qarawga ah ee fulaynimada ku dhisan ee ay hiilka uga rabaan Beelweeynta aan anaga ka xigno ee aan walaalaha nahay iyo calaan calka beenta ooy ku masabidanayaan Wadanka aan dariska nahay,

Umadda Soomaaliyeed way ka dharagsan tahay waxa ka jira Gobolka Hiiraan mana u baahna in loo sharaxo dadkaa aad shalay masabidatay ee aad tiri dagaalkeey ku jiraan maanta sideed uga dhaadhicin kartaan ood u oran kartaa Itoobiyaa nasoo weerartay waa yaab,

Mar kale ayaan wax u iftiiminayaa Beeshan Qarawsan ee Jabku asiibay waxaan leeyahay Afkiinan ka dhowra Dirka oo aad leedihiin anaga iyo Dirka ayaa dagaal naga dhaxeeyaa fakara Uma babac dhigi kartaan qowmiyadan,

Ilaah ka barya ineey idin soo anbaarin sababtoo ah Qoowmiyadan waa qoowmiyada kaliya ee kamid ah Soomaalida oo leh Dawlado,

cowslafil.com

Be the first to comment on "Gaashaanle Sare Jiilba Jiil: Dulmiga Ciidamada Qaranka uu ku xasuuqaayo Reer Deefoow iyo kabxanleey ayaa lagu qarinayaa Hadalada Been abuurka."

Leave a comment

Your email address will not be published.