Warbixin Qaybtii Labaad Maxaa dhacay Maanta Dagaalkii dhex maray Beesha Surre iyo Beesha Bariga Baladweeyne wax ka degta?

Abaarihii waqtiga salaada Subax Saacada Geeska Afrikada Bari markeey ahayd Shantii ayaa waxaa u soo jiheeystay dhanka Deegaaanada Surre Maleeshiyo Beeleedka Beesha Bariga Baladweeyne wax ka degta oo ay kaabayaan Ciidamada Milatariga Soomaaliya oo aad u hubeeysan,

lagana kala keenay Buulo-burde, Jalalaqsi, Maxaas iyo Bariga Baladweeyne Ciidamadii deganaa waxaana Biloowday Xabado weerar iyo iska caabin ah oo dhexmaray Labada Kooxood, dagaalku markii uu socday Qiyaastii Kontameeyo daqiiqo waxeey xaaladu ku adkaatay Ciidamadii duulaanka ahaa,

Waxeeyna bilaabeen baqa carar Ciidamada Beesha Surre oo kasoo baxay difaacii ay ku jireen ayaa waxeey daba galeen Ciidamadii sida Gardarada loosoo abaabulay oo noqday tusbax go,ay lana waayay laba meel isku sheegta waxeeyna sii ceeyrsanayeen ilaa duleedka Bariga Baladweeyne oo ay uga soo hareen,

Wararka aan ka helnay Goobaha Dagaalka ayaa sheegaya in qasaare balaaran uu gaaray Ciidamada Beesha Bariga Baladweeyne wax ka degta iyo Ciidamadii lasafnaa ee Qarab´nka Soomaaliya kaasoo isugu jira dhimasho,Dhaawac, Maxaabiis iyo waliba hub laga furtay,

Tirada dagaalka lagu dilay ayaa lagu sheegay Sodomeeyo isla markaana waxaa la qiray in uu dhaawacu intaas aad uga badan yahay Hubka laga qabsadayna sida aan wararka ku heleeyno waa Afar Daba jeex iyo qoryo badan oo ah kuwa yar yar,

Dagaalkii maanta waxaa gacanta lagu dhigay Maxaabiis ilaa todoba ah oo markii la wareeystay sheegay in ay ka tirsan yihiin Ciidamada Qaranka Soomaaliya lagana kala keenay Deegaanada aan kor kusoo xusnay waxaan rajeeynaynaa in aan idiin soo bandhigno wareeysiyadii laga qaaday haduu allaha awooda leh ka raali noqdo,

Xigasho: deefow.com

cowslafil.com