Warbin qaybii Koowaad:Dagaalkii ay maanta soo qaadeen Beesha Bariga Baladweeyne wax ka degta, waxa kalifay iyo sideey wax u dhaceen.

Waqtiyadii ugu danbeeyay waxaa Bariga Magaalada Baladweeyne ka socday shir lagu sheegay in uu yahay mid ka dhaxeeya Beelaha Gobolka Hiiraan laakiinse ahaa mid u gaar ah Beesha Bariga Baladweeyne wax ka degta,

Isku dayo badan oo ay dhaqaale ugu raadiyeen sii socoshada shirkan ayaa fashilmay waxaana iska diiday oo la dhici waayay qaabka uu shirkan u abaabulan yahay Beelaha kale ee degan Gobolka Hiiraan oo markii lagu casuumay talo uun usoo jeediyay Beeshan Kali socodka ah,

Taladaas oo ah in si mideeysan loo qaban qaabiyo shirka isla markaana Beeshan ay kamid noqoto ama la meel istaagto Beelaha kale ee degan Gobolka waxeeyna Taladaas u diiday si uu qab ku jiro waxaana arintaas ay kaliftay in aan loo tagin Go,goshii ay Fidiyeen,

Waxaa dhacay Abaabul shir ay isugu yimaadeen Sadex iyo tobanka Beelood ee kale ee dega Gobolka Hiiraan isla markaana lagu qabtay Galbeedka Baladweeyne Socdayna Sadex Bilood iyo waliba Magaalada Deefoow oo markii danbe marti galisay Biloowga Bisha May waxaana shirka lagu dhisay Golaha Badbaadada iyo Samata bixinta Gobolka Hiiraan,

Markaas kadib ayaa waxaa soo shaac baxay Ceebta shirka kasocday Bariga Baladweeyne in ay Beel kaliya wadato waxaana Boorsooyinkooda ka xir xirtay In badan oo kamid ah Beesha Bariga Baladweeyne wax ka degta Qurba joogooda oo markii hore shirka u yimi si laab lakac ah,

Bisha May waxaa yimid Magaalada Baladweeyne wafti kasocda Qaramada Midoobay oo damacsanaa in ay la kulmaan dhamaan Odayaasha Beelaha Gobolka Hiiraan iyo waliba isbaheeysiga Badbaadada iyo Samata-bixinta,

Waxaa arintaas damcay in ay is hortaagaan Maamul ku sheega Gobolka Hiiraan oo yiri waa inaad qaabishaan oo kaliya Maamulka Gobolka, Waftiga Qaramada Midoobay oo awood u lahaa in ay soo kaxeeystaan Ciidamada AMISOM isla markaana ay tagaan meesheey doonaan ayaa go,aansaday in ay dib uga laabtaan Garoonka ayagoo diiday in ay Cid kale qaabilaan,

Is hortaagaas wuxuu sii balaariyay tuhunka ah in ay Hal beel oo kaliya rabto in ay afduubato Sadex iyo Tobanka Beelood ee kale wuxuuna Cirka ku shareeray in ay helaan wax caawimaad ah oo ay shirkaas ku dhaqaajiyaan waxaana hakad ku yimi shirkii Beesha Bariga Baladweeyne wax ka degta u gaarka ahaa,

Waxeey Caqabad weeyn u arkeen Deegaanada Beesha Surre oo marti galiyay shirka Rajadooda ka dhigay Mid aan socon karin waxeeyna heleen warbixin ah in ay kala tageen Ciidamada Beesha Surre isla markaana ay cidlo tahay warkaas oo ay ka heleen ilo aan wax naxriis ah u sameeyn,

Markaas ayeey Go,aan sadeen in ay weeraraan Deegaanka Beelaha Surre maadaama aaneey joogin Ciidamadii kasoo saaray markii hore Deefoow, Kabxanleey iyo dhamaan tuulooyinka ku xeeran oo ay degaan Beesha Surre Sida ay la noqotay,

Hadaba Maxaa dhaay lasoco warbinta qaybteeda Labaad iyo sidii ay Maanta wax u dhaceen.

Xigasho: deefow.com

cowslafil.com

Be the first to comment on "Warbin qaybii Koowaad:Dagaalkii ay maanta soo qaadeen Beesha Bariga Baladweeyne wax ka degta, waxa kalifay iyo sideey wax u dhaceen."

Leave a comment

Your email address will not be published.