Qorshaha dagaalka saaka ay soo qaadeen Xawaadle oo la ogaaday

Waxaa ina soo gaaraya warar sheegaya in beesha Bariga Baladweyne ay saakay wadeen qorsho lagu gabagabeyn beelaha ku dhaqan dagaanadan hoos ku xusan

1. Kabxanleey
2. Deefoow
3. Asharaaf (oo u dhaxeeya Feerfeer iyo Abaaleey)
4. Dusmo (oo ay beesha Bariga Baladweyne ula baxeen Maxamuud Gacal)

Degaanka Kabxanleey iyo Deefoow oo ay beeshan horey furin dagaal uga dhigeen, ayaa waxaa moodaa weli inay duulaanka iyo dulmiga ay ku hayaan dagaanadan weli aysan ka waantoobin dadkan colaada kasoo hurin Bariga Baladweyne. Ciidamada difaaca degaanadan ee Surre ayaa dhagta dhiiga u daray dulmi wadayaasha ka soo duulaan tagay Bariga Baladweyne.

Degaanka Asharaaf oo u dhaxeeya Feerfeer iyo Abaaleey ayaa ah halka ay maatada laga qaxiyey degaanada Kabxanleey iyo Deefoow ay ku sugan yihiin, halkaas oo ay beesha Bariga Baladweyne ugu tala gashay inay gaba gabeeyaan maatada Surre ee la gubay hoygoodii, haddana ku sugan halkaa. Ciidanka ilaalada Maatada Surre ee halkaa ku sugan ayaa ka difaacday maatadooda kuwii ku soo duulay halkaa oo ah isla beesha Bariga Baladweyne.

Degaanka Dusmo oo ah degaan ka tirsan Kabxanleey, oo ay beesha Bariga Baladweyne sanadkii 2013 saldhig ka sameysteen, lagana soo abaabulay dhamaan dagaaladii lagu gubay Kabxanleey 2013, iyo Deefoow 2014, ayaa ciidamada beelaha Surre ay ka saareen ciidanka Beesha Xawaadle ee halkaa isku uruursaday, duulaan iyo dulmi joogta ahna ka soo abaabula halkaa.

Waxaa difaacday dhamaan degaanadan iyo maatadooda beelaha Surre ee xaq u dirirka oo aan marnaba duulaan iyo gardaro ku aheen deriska, laguna dhabaateyn degaanadooda mudo laba sanno ka badan.

Dagaalada saakay ka dhacay gobolka Hiiraan ayaa lagu jibiyey beesha Bariga Baladweyne oo caadeysatay duulaan gardaro ah iyo dhaqan nabad diid (nabad aanan daacad laga aheyn).

Wixii ka soo kordha xaalada degaanada dirirta ay ka dhacday dib ayaan idiinkala soo socodsiin.

cowslafil.com

2 Comments on "Qorshaha dagaalka saaka ay soo qaadeen Xawaadle oo la ogaaday"

  1. mooryaantu ma quusato waxna iskama celiso kkkkkkkkkkkkkkkk, waxa ii muuqda sawirka nin hal il la’ oo aad u foolxun inta sarena ka qaawan oo qoray la ordaya, xitaa aan ogayn sababta uu u dagaalamayo.

  2. Waxaa hubaal ah in xaqa la dabooli karin awood kastood leedahay.
    Binaadamka wuu qaldamaa balse hala ogaada AWOOD ALLLA LEH

Leave a comment

Your email address will not be published.