Boqorka Makane waxaa ku haboon inuu la hadlo beeshiisa kuwa lasoo qalday

Boqorka Makane waxaa ku haboon inuu la hadlo beeshiisa kuwa lasoo qalday ee garabka u ah dulmiga

Wararka inaga soo gaaraya dagaalka gardarada ah ee lagu soo qaaday degaanka Deefow ayaa sheegaya in ay jiraan dad ka soo jeeda beesha Makane oo qeyb ka ah dagaalka gardarada ee lagu hayo beelaha Surre.

Boqorka Makane Boqor Faarax Cabdi waxaa ku haboon in uu la hadlo, xakameeyana beesha uu matalo, kana qabto inay garab u noqdaan beesha xawaadle oo dulmi iyo dagaal gardaro ah ku haya dadka iyo degaanada beelaha Surre.

Wararka ina soo gaaraya ayaa sheegaya in Beesha Surre ay dhowr jeer isku dayeen in lala hadlo wax garadka beesha Makane, loogana digay in aysan faraha la soo gelin dagaal u dhaxeeye beelo kale, isla mar ahaantaana aysan garab u noqon gardarada ay ka wadaan beelaha Xawaadle halkaa.

Wararka aanu ka heleyno degaanada dagaalka ka socda ayaa sheegaya in ay jiraan dad yar ee ka soo jeeda beesha Makane oo colaada qeyb ka ah, ayna haboon tahay in beeshan inteeda kale ay qabato dhalinyaradan lasoo qalday oo garabka u ah beesha Xawaadle oo ka wada degaanadan xusuuq, barakicin, iyo dhul boob.

Wax garadka beelaha Surre ayaa markale ka codsan beelaha kale ee dega Gobolka ay garab u noqdaan nabada iyo in la qabto cidii gardaro ka wada degaanada dagaalada ka socdaan, isla mar ahaantaana laga fogaado in garab leysku siiyo gardaro iyo dulmi lagu waxyeeleen degaano iyo shacab soomaaliyeed.

Cowslafil.com

Be the first to comment on "Boqorka Makane waxaa ku haboon inuu la hadlo beeshiisa kuwa lasoo qalday"

Leave a comment

Your email address will not be published.