Qodax Barre oo iclaamiyey dagaal lagu qaado Kabxanleey iyo Deefoow.

Qodax Barre oo iclaamiyey dagaal lagu qaado Kabxanleey iyo Deefoow.

Ka dib shir muddo ka socday Bariga Baladweyne oo loogu yeeray shir dib u hishiisiineed ayaa
waxaa soo ifbaxaya qorshaha qarsoon ee shirkan, oo ah sidii markale colaad loogu hurin lahaa gobolka.

Godax Barre, ama Qodax Baar ayaa la sheegay inuu yahay ninka ka danbeeya abaabulka dagaalka
gardarada iyo saansaanta colaadeed ee ka jirta Deefoow iyo Kabxanleey caawa, waxaa la sugaaba waa
qodxaha uu beeray ina Qodxo Baare inuu dhowaan mirahooda guran doono.

Ciidamada sugaya amaanka Kabxanleey iyo Deefoow ayaa la geliyey Heegaankii ugu sareeyey
diyaarna u ah inay ka bixiyaan jawaabta ku haboon dagaalka gardarada ah oo laga soo
abaabulayo Bariga Baladweyne.

Wixii ka soo kordha degaanada Kabxanley iyo Deefoow dib ayaan idiinkala soo socodsiin

cowslafil.com

Be the first to comment on "Qodax Barre oo iclaamiyey dagaal lagu qaado Kabxanleey iyo Deefoow."

Leave a comment

Your email address will not be published.