3.juun.2015: Qodax Baare oo ku qoraacday saaka qodxihii uu abuuray, Xawaadle oo ku jabay dagaalkii saaka

Qodax Baare oo ku qoraacday saaka qodxihii uu abuuray, lagana ceyriyey Kabxanleey iyo Deefoow.

difaaca_kabxan_deefoow

Beesha Bariga Baladweyne oo maalmihii danbe isku soo uruursaday agaagaarka Kabxanleey iyo Deefow ayaa saaka salaada subax ka dib ku soo qaaday dagaal gardara ah Kabxanleey iyo Deefow.

Dagaalkan oo ay ku jabeen dulmi ku naax Xawaadle iyo wiilasha ay soo qaldeen ayaa waxaa laga saaray dhamaan agagaarka degaanada Kabxableey iyo Deefoow, jab, hoog, dhaawac iyo dhimashana kala kulmeen.

Waxaa kaloo ina soo gaaray warar sheegaya in ciidamada Surre labo meelood ka saareen beesha soo duushay
1. Dhanka ay dagaalka ka soo qaadeen beesha dulmi iyo bililiqo ku naax
2. Degaanka Maxamuud Gacal oo ay ka sameysteen saldhig ay ka soo duulaan beesha Bariga Baladweyne

Waxaa gebi ahaan laga saaray beesha duulaanka ah dhamaan agagaarka Kabxanleey, Deefoow, iyo Saldhigooda duulaanka ay ka soo abaabulaan, oo ah degaan sharci darro oo ay ula baxeen Maxamuud Gacal.

Waxaa ay guul u soo hoyatay geesiyada Surre ee xaq u dirirka, iyo dhamaan beelaha Soomaaliyeed ee nabada jecel, dulmigana neceb.

Wixiix kaloo ka soo kordha xaalada degaanada dirirta ay ka dhacday dib ayaan idiinkala soo socodsiin.

cowslafil.com

Be the first to comment on "3.juun.2015: Qodax Baare oo ku qoraacday saaka qodxihii uu abuuray, Xawaadle oo ku jabay dagaalkii saaka"

Leave a comment

Your email address will not be published.