Ururka dhalinyarada Xeraale ee ku dhaqan Keenya oo taageeray go,aankii ay Banaanka ugu istaageen Odayaasha dhaqanka Shirka Cadaado

Shir ay isugu yimaadeen Ururka dhaliyarada Reer Xeraale ee ku dhaqan Magaalo Madaxda Keenya ee Nayroobi ayaa waxeey ku taageereen Go,aankii Odayaasha dhaqanka ay banaanka uga istaageen shirka kasocda Magaalada Cadaado.

kadib markii ay DFS biloowday in ay carqaladeeyso shirka ayagoo la,imaanaya Hogaamiyo dhaqameedyo Gacan kurimis ah isla markaana Banaanka dhigay Hogaamiyo dhaqameedyadii saxa ahaa kadibna shirku isu badalay mid lagu dhaawacaayo aayaha Dadka degan Gobolada dhexe.

Shirkaas oo uu hadal kajeediyay Gudoomiyaha Ururka dhaliyarada Qaarada Afrika ee qoowmiyada Dirka waxa uu sheegay in aan marna loo baahneeyn ka qaybgal shir.

marinkiisa la lumiyay wuxuuna qiray in aaneey marna taageeri doonin wixii shirkaas kasoo baxa asagoo sheegay in maamulkii lagu dhisaa aanuu Xalaal Noqon doonin.

Dhaliyaro badan oo ka hadashay shirka ayaa si weeyn u dhaliilay Qaabka wax loo wado ayagoo farta ku fiiqay in doorka ay DFS kulahayd shirkan mid kabadan in ay ka ciyaartay ayagoo fiirinaayo oo kaliya maslaxad Shaqsiyadeed ee aan marna u adeegin Qaranka.

Dawlada Federaalka ayaa waxeey banaanka soo dhigtay inta Badan Oday dhaqameedadii ay Beelaha Gobolada Dhexe lahaayeen waxeeyna abuuratay Oday dhaqameedyo Gacan kurimis ah oo ay damacsan tahay in lagu taageero Danaha Ururka Dhiiga Cusub oo uu kamid yahay Madaxweene Xassan Sheekh Maxamuud.

waxeeyna arintaas dhalisay in ay lunto rajadii laga lahaa shirka Gobolada dhex ayadoo ay beelöo badan banaanka ka istaageen sidoo kalana Ururka Ahlu-Suna ay ku luntay doorkiisii waxtarka lahaa ee Gobolada Dhexe.

3 Comments on "Ururka dhalinyarada Xeraale ee ku dhaqan Keenya oo taageeray go,aankii ay Banaanka ugu istaageen Odayaasha dhaqanka Shirka Cadaado"

  1. Waan idin salaamay asxaabta bageka waxaan rabaa inaa idin la soo xiriiro si aan idin kugu sheego inaa mac luumaad wep site ka u baahan yahay inaan haayo

  2. Aadbaan u soo dhoweynaynaa go.aanka dhalin yarada. Wax kasta oo dhacana. Waa inay la socdaan

  3. besha sure waxan dhilahaa makanah nah halaraafo qofkii la arko oo makanaah madaxa laga jaro wavaladah xawadleh ayey dabadhilif uyihiin. markii beebayasha sure cagtah mariyaan ayey arki doonan ayaganah dibfambe ayaah lohu arag wabiga jinkiisah ha adeen jalaqasi doofartah

Leave a comment

Your email address will not be published.