Qaban-qaabadii Shirka Beelaha Gobolka Hiiraan ee lagu qaban-doono Galbeedka Baladweeyne oo socota.

Shir ay isugu Imaan-doonaan Beelaha Gobolka Hiiraan dega kana dhici doono Galbeedka Baladweeyne ayaa kasocda Gobolka Hiiraan, Qaban-qaabada Shirkan oo ay wadaan Ururka Badbaadada iyo Samata-bixinta beelaha Gobolka Hiiraan ayaa la filayaa in dhowaan uu Biloowdo.

Ururka Badbaadada iyo Samata-bixinta Gobolka Hiiraan oo ay ku mideeysan yihiin Sadex iyo toban Beelood oo kamid ah Afar iyo Tobanka Beelood ee dega Gobolka Hiiraan ayaa waqtigan Xaadirka ah ku mashquulsan howlaha Qaban-qaabada Shirka.

Wararka Nagsoo gaaraya Magaalada Baladweeyne ayaa sheegaya in Sadex iyo tobanka Beelood ay ku casuumeen in shirkan ay kasoo qayb-galaan Beesha Bariga Baladweeyne wax ka degta, Waxaana Si gaargaar ah shir ugu socdaa Beesha Bariga Baladweeyne wax kadegta lamana oga ilaa hada Go,aanka ay qaadan doonaan.

waxaa sidoo kale diyaar garoow aad u weeyn ku jira Oday dhaqameedada,Siyaasiyiinta,waxgaradka iyo Ururada Bulshada ee sadex iyo tobanka beelood oo ay ka go,an tahay taaba galinta shirka iyo sidii loo samata bixin lahaa Shacabka ku dhaqan Gobolka Hiiraan.

cowslafil.com

Be the first to comment on "Qaban-qaabadii Shirka Beelaha Gobolka Hiiraan ee lagu qaban-doono Galbeedka Baladweeyne oo socota."

Leave a comment

Your email address will not be published.