Dagaal U Dhexeeyo Maamulka Degmada Marka Iyo Maleeshiyaad Habargidir Ah Oo Dib Uga Qarxay Magaalada Marka (Faahfaahin)

Dagaal culus ayaa xiligan ka soconayo bartamaha magaalada Marka oo u dhexeeyo ciidamada maamulka degmada Marka iyo maleeshiyaad Habargidir ah oo ka amar qaato kaabo mooryaanta Habargidir ee kala ah C/naasir Cabdi Caruush, Cali Nuure iyo Cabdull.

Dagaalka ayaa xooggiisa xiligan ka soconayo xarumo hay’ado beeleedyo oo maalgelinayo maleeshiyaadka Habargidir oo ku yaalo magaalada Marka. Xarumaha hay’adaha COSV iyo SWISSO Kaalmo ayaa noqday goobaha ay iska soo abaabulayaan maleeshiyaadka Habargidir ee uu ka shaqeyn la’yahay maamulka degmada Marka .

Sidoo kale goobaha uu dagaalka ka soconayo waxaa ka mid sarta Burcad Badeedda oo uu maleeshiyaad Habargidir ah soo dejiyey Cabdinaasir Cabdi Caruush.

Magaalada Marka ayaa laga dareemayaa barakac balaaran oo ay sameynayaan dadka shacabka ah iyagoo u barakacaayo tuulooyinka u dhow dhow magaalada.

Ilaa hadda tirada khasaaraha rasmi ah lama soo shegin, wixii war ah oo ka soo kordho dib ayaan idinkaga soo sheegi doonaa

cowslafil.com

Be the first to comment on "Dagaal U Dhexeeyo Maamulka Degmada Marka Iyo Maleeshiyaad Habargidir Ah Oo Dib Uga Qarxay Magaalada Marka (Faahfaahin)"

Leave a comment

Your email address will not be published.