Warar inaga soo gaaraya Caasimada gobolka Hiiraan ee Baladweyne ayaa sheegaya in maalinimada qamiista, bisha markay ahayd 21.maajo.2015, ay wafdi ka socday UN’ka ka soo dageen garoonkta diyaaradaha Baladweyne. Wafdigan UN’ka ayaa u tagay halkaa arrimo ay ka mid yihiin in howlaha nabada iyo inay isku dayaan si leysugu soo dhaweeyo maamulada ka jira Gobolka Hiiraan.
Wafdiga UN’ka oo codsi iyo casumaad u diray Golaha Badbaadada iyo Samatabixita beelaha Gobolka Hiiraan, isla mar ahaantaana kula kulmay maamulka ka arrimaya Barriga Baladweyne garoonka diyaarahada Baladweyne, ayaa waxaa isbaaro u dhigtay halkaa Beesha Bariga Baladweyne oo is hortaagtay qorshaha nabadeed oo ay UN’ka ku dooneysay inay gacan ka geystaan xalinta qilaafaadka halkaa ka jira.
Golaha Badbaadada iyo Samatabixinta beelaha gobolka Hiiraan ayaa aqbalay codsiga UN’ka, dhankooda diyaargareeyey wafdi odoyaal oo taga halka ay UN’ka ku qabatay kulanka casumaada loo fidiyey hogaanka maamulada gobolka ka jira.
AMISOM oo loo xilsaaray nabadgelyada shirkaa ayaa iyaga diyaar u ahaa inay gutaan xilka nabadeynta shirka UN’ka iyo beelaha soomaaliyeed ee Gobolka Hiiraan.
Wararka ina soo gaaraya ayaa sheegaya in ka dib muran badan oo beesha Bariga Baladweyne dhexdooda, ay beeshan is hortaageen, isbaarana u dhigteen waftigii UN’ka ee rabay inay la kulmaan beelaha soomaaliyeed ee ku dhaqab halkaa, si looga wada hadlo arrimaha nabad mustaqbalk gobolka.
Waxaa jira qeyb ka mid ah shacabka bariga Baladweyne oo soo dhaweeyey fikirka UN’ka, sheegeyna in Golaha badbaadada ay qeyb ka yihiin beelaha gobolka Hiiraan oo muhiim ah in lala kulmi haddii laga hadlayo nabada iyo mustaqbalka Gobolka Hiiraan.
Dhacdada ka dhacday Airpor’ka Baladweyne ayaa waxay ku sheegeen shacabka gobolka ee nabada jecel, in arrintan ay daliil u tahay in Bariga Baladweyne ay hal Beel qura shir uga socda, shirka halkaa ka jirana uusan quseyn beelaha kale ee ku dhaqan gobolka, mar haddii ay is hortaageen Beesha Bariga Baladweyne shirka UN’ka ay ku dooneysay in la bilaabo fursad ay ku wada hadlaan beelaha ku dhaqan gobolka.
cowslafil.com
War Xawaadlle waa rag oo UNkii xitaa waa u we u diideen in uu gudaha u galo magaalada b/weyne.
Haloow