Dagaal Ka Socda Degmada Marka Iyo Shacabka Oo Barakac Bilaabay

Waxa uu hadda dagaal ka socadaa degmada Marka, dagaaalkan ayaa wuxuu dhaxeeyaa maamulka degmda Marka iyo maleehsiyada Habargidir oo maalmahaanba daandaansi ka waday magaalada Marka.

Dagaalkan oo bilowday gabaldhicii maanta oo ilaa hadana socda ayaa waxaa la sheegayaa in ay ku dhinteen laba ruux oo labada dhinac ee dagaalamaya ka mid ah.

Sida aan horey u baahinay, dagaalka ayaa wuxuu ku bilowday dil ay geesteen mid ka mid ah labada dhinac. Shacabka ku dhaqan magaalda ayaa waxay bilaabeen in ay isaga qaxaan magaalada iyaga ka baqaya in ay waxyeelo ka soo gaarto dagaalka iyaga oo aan garaneyn meel ay u qaxaan.

Iyada oo dhaawaan shacabka magaalada ay kasoo laabteen barakac, hadda oo ay islahaayeen waxaa hesheen nabad ayaa waxay markale wajahayaan dagaal.

Ma ahan markii ugu horeysay oo ay magaalada Marka ku dagaalamaan ciidamada deegaanka iyo maleeshiyada Habargidir, horay ayaa dagaalo kuwan la mid ah uga dheceen gudaha Marka iyo deegaanada ku hareereysan.

cowslafil.com

Be the first to comment on "Dagaal Ka Socda Degmada Marka Iyo Shacabka Oo Barakac Bilaabay"

Leave a comment

Your email address will not be published.