Faahfaahin dheeraad ah: Dagaalkii xalay ka dhacay Kabxanleey (Guri Cade).

Degaanka Guri Cade oo ka tirsan Kabxanleey ayaa waxaa xalay duulaan ku soo qaaday beesha Bariga Baladweyne, oo mudo yar ka dib nabadii ay ku baaqeen, soo qaaday duulaanka sida caadada u ah.

Ka dib shirarkii ka socday Bariga Baladweyne oo ay ku sheegeen in nabad iyo nidaam lagu dhisayo, ayaa waxaa muuqata in ay ahaayeen shirar colaada lagu hurin, laguna qorsheyn markale dagaalo lagu soo qaado Kabxanleey, Deefoow, iyo degaanada hoos yimaada.

Maamulka degmooyinka Deefoow iyo Kabxanleey ayaa inoo sheegay in lala socday dhaqdhaqaaqa beeshan duulaanka ah, iyagoo duulaan ku soo ahaa Kabxanleey iyo Deefoow, duulaan fuleynimo habeen madow ku soo qaadeen Guri Cade oo ah degaanada laga qaxiyey shacabka reer Kabxanleey, xoog iyo sharci darro looga dhisay Guryo 2013’kii, ka hor inta aan la gubin oo laga qaxin shacabkii ku dhaqanaa Kabxanleey.

Halkan ka daawo xiliga Guri Cade la soo dejiyey Beesha Xawaadle:

Qorshaha isir sifeynta iyo dhulboobka fashilmay oo lala damacsanaa beelaha Surre ee ku dhaqan halkaa ayaa ku bilowday in marka hore degaanada ku heeraarsan Kabxanleey iyo Deefoow oo hoyga u ahaa dadka degaanadan, qaasatan xiliga webiga uu soo fataho, ayaa xoog lagu soo dagay, si beelaha Surre ee halkaa ku dhaqan aysan u helin hoygoodii ay kaga badbaadi jireen xiliga fataahada wabiga, kuna dhamaadaan halkaa.

Taas waxaa xigay in dagaal arxan darro ah lagu qaaday shacabka Kabxanleey iyo Deefoow, dabna la qabadsiiyey degaanadooda. Markaa ka dib waxaa bilowday in hay’adihii samafalka gobolka loo adeegsado in lagu soo dajiyo beesha Xawaadle degaanada laga qaxiyey beelaha Surre, waxaana halkaa xoog iyo sharci darro lagu dhisay tuulooyin loo yaqaan tuulo Xoog, degaanada sharci darro iyo xoog lagu dhisay oo kale ah

  • Jareey
  • Jareey 2 (Buulo Xoog)
  • Bacaad
  • Xudugwale
  • Maxamuud Gacal
  • Guri Cade

Iyo Kabxanleey iyo Deefoow oo aan marnaba hirgelin in ay degaan beesha Xawaadle.

Halkan ka daawo tuulada Maxamuud Gacal

Tuulooyinkan oo noqday halka ay dagaalada gardarrada ah ay ka soo qaadaan Beesha Xawaadle, maamulka gobolka iyo maskaxda ka danbeeysa isir sifeynta ay xaruntooda tahay Bariga Baladweyne.

Qorshahan guracan ee dhulboobka iyo isir sifeynta ayaa gebi ahaanba fashilmay, maantana dadkii lagu dhibaateynayey degaanada aan kor ku soo sheegnay dhamaantood waxaa ay dib ugu soo noqdeen degaanadoodii, maamul xalaal ahna oo loogu magac daray Golaha Badbaadada iyo Samatabixinta Beelaha Gobolka Hiiraan halkaa laga dhisay, maamulkan oo ay ku mideysan yihiin dhamaan beelaha reer Hiiraan ee jecel nabada iyo deris wanaaga.

Beesha bariga Baladweyne ayaa saaxiibo badan ku laheyn gobolka, go’doona ku ah qeyb ka mid ah caasimada Baladweyne, welina aan ka waantoobin gardarada iyo dhibaatada ay ku hayaan dhamaan shacabka ku dhaqan gobolka Hiiraan.

Beelaha ku dhaqan gobolka ayaa wada qorshe lagu badbaadin, laguna kala badbaadi si loo abuuro jawi nabadeed, gobolkana looga saaro fowdada iyo colada qotada dheer ee ku habsatay shacabka gobolka Hiiraan.

cowslafil.com

4 Comments on "Faahfaahin dheeraad ah: Dagaalkii xalay ka dhacay Kabxanleey (Guri Cade)."

  1. xawaadle xalaal ah | May 21, 2015 at 6:38 pm | Reply

    war reer fiqi (Surre) raali ahaada anigu xawaadle dhab ahoo xalaal quudataan ahay, dhib iyo dulmi intaan la eg in laydin gaystayna lama socon … culumoowdaayni raali ahaada aad baan uugaga xumahay.. nin aduunyo joogow maxaa aragti kuu laaban mooryaan xawaadle sheegahaa oo ku duulaayo umaddii arladaan loogu yimid…
    allow na badbaadi aamiin

  2. Xawaadle xalal ah saaxiib waxaa kuu shegaa hada ka hor ayaa xeraale mareexaan gardaro iga deyn wayay mantana waxaa filaa mel aan fadhiyo kama hadli karo xawaadlane sidookale gardaradii ayuu ku socda aaqir waxaa dhici doonta mel aan aniga fadhiyo in aad ka hadli weydan hada gardara hada joojin weydaan waxaad ku xad gudbeysan waa rag

  3. Waa run xawaadlle gardaro ma fiicno ee jooga gartiinana qaata

  4. Maxamuud Kaatun | July 6, 2015 at 4:05 am | Reply

    Dadka waa walaalo, nabad ayaa dhaqdo.

    Wixii khalad ah ee dhacay ha laysagaraabo, hana la saxo.
    Sidaasna gacmaha ha lays qabsado. Reer Beledweyne ayaan nahay, ma kale maarmayno, mid kitaabka noo aqriyo , mid beeraha tacbaa , mid xoolaha dhaqaba waan isuwada baahannahay. Caqliga ha shaqeeyo, Qoriga dhigo. Intii dhimatay Allaha u naxariisto, intii dhaawac Allaha bogsiiyo. Ballanteena waa hiiraan oo aan wada leenahay iyo horumarka oo loo tartamo

Leave a comment

Your email address will not be published.