Isloow Rooble Qaasin Cismaan: Beelaha Reer Hiiraan Badankooda waxeey Joogaan Shirka Deefoow

Wakiilka gaaska Beesha Gaal-Jecel Isloow Rooble Qaasin Cismaan oo ay wareeysatay Idaacada BBC ayaa sheegay in Oday dhaqameedada, Siyaasiyiinta,Waxgaradka rurada Dhalinyarada, Haweenka iyo Bulshada qaybaheeda kala duwan ee Gobolka Hiiraan in ay kusugan yihiin Magaalada Deefoow isla markaana uu si fiican u socdo Shirka ayaaya ka tashiga Gobolka Hiiraan.

Isloow ayaa qiray in shirkan wajigiisa hore uu ka dhacay Galbeedka Baladweeyne hadana uu ka socdo Magaalada Deefoow isla markaana wajigiisa sadexaad loo celin doono Galbeedka Baladweeyne wuxuuna intaas raaciyay ilaa hadda in ay deefoow soo gaareen shirkana ay ka qayb qaadanayaan ilaa Laba iyo Toban Beelood.

Wakiilka Ugaaska Gaal-Jecel oo ay weeydiisay Idaacada BBC in ay isla socdaan shirka kasocda Bariga Baladweeyne iyo in kale ayaa sheegay in aanuu Reer Hiiraan wax shir ah uga socon Bariga Baladweeyne isla markaana ayan wax macno ah ka jirin halkaas laakiin Shirka Reer Hiiraan uu ka socdo Magaalada Deefoow isla markaana wajigiisa sadexaad uu ka dhici doono Galbeedka Baladweeyne.

Waxaa si xowli ah u socda shirka aaya katashiga Gobolka Hiiraan ee Magaalada Deefoow Maalin walbana waxaa halkaas lagu soo dhoweeyaa Wufuud kala duwan oo ka kala socda Beelaha Gobolka Hiiraan.

Wixii aqbaar ah ee kasoo kordha arimaha shirka ayaa katashiga Gobolka Hiiraan kala soco deefoow.com iyo cowslafil.com waqti walbana indhahaaga ku haay.

cowslafil.com

Be the first to comment on "Isloow Rooble Qaasin Cismaan: Beelaha Reer Hiiraan Badankooda waxeey Joogaan Shirka Deefoow"

Leave a comment

Your email address will not be published.