Gudoomiye kuxigeenka Degmada Baladweeyne oo kusugan Magaalada Deefoow kana qayb galaaya shirka ka socda.

Wararka Naga soo gaaraya Shirka aaya ka tashiga Gobolka Hiiraan ee ka socda Magaalada Deefoow isla markaana ay halkaas kusuganyihiin Oday Dhaqameedada, Siyaasiyiinta Ururada Dhalinyarada, Haweenka iyo dhamaan Ururada Bulshada Gobolka Hiiraan ayaa waxaa Maanta Gaaray Gudoomiye ku xigeenka Degmada Baladweeyne Cabdi Faarax Daahir,

Cabdi Faarax Daahir oo ay wareeysatay Idaacada Codka Dheer ee Danan asaga oo kusugan Degmada Deefoow ayaa sheegay in uu soo booqday Meelihii ay Colaadu ka dhacday isla markaana sheegay in loo baahan yahay in Gurmad Degdeg ah lala gaara Shacabka Goobahaas ku dhaqan,

Gudoomiye ku xigeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in Deefoow ay ku sugan yihiin in kabadan Toban Beelood oo ka tirsan Beelaha Dega Gobolka wuxuuna Xusay in shirkan uu socon doono isla markaana looga tashan doono aayaha Gobolka Hiiraan,

Cabdi Faarax ayaa sheegay in uu ku rajo weeyn yahay in shirkan ay kasoo bixi doonaan Natiijo waxtar u leh Shacabka ku dhaqan Gobolka Hiiraan isla markaana uu aas aas u noqon doono Maamul Goboleed,

Gudoomiye Cabdi Faarax Daahir oo la weeydiiyay Su,aal ku qotontay in uu u hayo niyad in Maamulka Shirkan kasoo baxaya uu kamid noqdo Musharixiinta ayaa sheegay in uu diyaar u yahay isla markaana uu isasoo sharixi doono,

Waxaa aad u Camiran isla markaana ay waqtigan Xaadirka ku sugan yihiin Wufuud kala duwan oo ka kala yimi Gobolka Hiiraan idilkiisa Degmada Deefoow oo mudadadii labada Sano ee ugu danbeeysay ay aafeeyeen Dagaalo iyadoo ay wali ka muuqato Magaalada Astaamihii dagaalada,

Waqti walba isha ku hay kalana soco hadba wixii kasoo kordha Shirka aaya ka tashiga Gobolka Hiiraan oo ay ka qayb galayaan inta badan Beelaha Dega Gobolka Hiiraan.

cowslafil.com

11 Comments on "Gudoomiye kuxigeenka Degmada Baladweeyne oo kusugan Magaalada Deefoow kana qayb galaaya shirka ka socda."

  1. kii guul ku dhamaada allaha inooga dhigo dulmigana wadajir ha loo wajaho. reeraha degan hiiraana maamul daacad ah allaha u sahlo….

  2. Waamahad santihiin cowslafil.com fadlan wararka joogto kadhiga kanasoowarama dhamaan gobolada dalka

  3. Masaajidkaas quruxda badan ayuu Xawaadlle kuu dhishay makas ku yiri ku duko beerna kuugu daray adoo dameer cowos ku wado. oo ilaa iyo bacaad weyn ilaa iyo kililka sanaad la soo dhex maray oo hayaamay ee waanoo taalaa hadii 13ka qabiil oo aad sheegeysid iga kaa celinayaan.

  4. Iqyaareey kani jawaab ma istaahilo

  5. CAWAAN ISKA HADLAYA AYAA TAHAY SIDII CARUUR AD DHASHAY UGU BOTAYNAYSID SURE ADIGA ISKADAYE QABILO KA ILBAXSAN KA XADARADEYSAN AYUU MEEL SOO SARAY HADANA XAWAAD LAHA AD KU FANAYSAID IYO 4 MAKANE AD BOTADA KUDISHAY IDINKOO MACAWIS YADII ABUU SALID LA ORAN JIRAY AYAAN MEEL SAARNAY GACNAHA YAY SAN KUGU YARAAN DULI FOQAL DULI QONO IYO YICIB CALOL BARAR KAQADAY SIDII CANUG YAR OO KANECO CUNTAY SOO SOCO RAG WAA KII ISBARTAY DEFOW IYO KABXANLAYNA WAXAN DHIGANAY GOGOSHII RER HIIRAN XALASHA EHEED

  6. hadaan xawaadle maxamed nahay sanadkan mid nooga xun ma jiro waxii gobolka deganaa xitaa afartii makane ee ku shaqaysan jirnay waa naga carareen.. umaddii gobolkoo dhan col bey naga noqdeen.. dagaalkaa culimada surre aan ku qaadnay noolagama danbeyn.. meydkeena ayaan doonan weynay, dhexdeena is dagaalnay waxaan u malaynayaa inay na sixreen waligeen kala orod intaas la eg iyo dhimasho sidaa u badan nagumay dhicin.

    kaftanku waa gooni iyo beenbeenta ee aqyaartaay halay cafiyo reer hiiraan.
    reer surre waa nimanka kaliya ee tabarteena na tusay edebna noo yeelay, manta nin xawaadle ah xitaa Bacaadka ma tegi karo.

    aniga waa kaftamaa laakin runta hadaan sheego dulmigaan wadnay waa nala gadoomay… surre waad naga badiseen dagaalka ee ilma adeerayaal naga qaleeya hanagu tiigtiigsanina.

    xaqiiqiyana surre ayagaa nooga soo horeeyay Hiiraan, noo duceeya aan heshiino nabad iyo wadajir dadka gobolka ayay danteena xawaadle ahaan ku jirtaa ee iscafin cafin baan idinka codsanayaa.

  7. Gaaljecelow | May 9, 2015 at 6:37 pm | Reply

    Masha Allah shirka deefow waa taageersanahay ha guuleysto reer hiiraan waa heshiinayaan waana dhisan ayà maamul

  8. Xawaadle hadu nabada qaato eeyna iska dayaan isla weeynida aqonsadaana qabiilada kale in hiraan ladagaan wan sodhaweneyna wa dad muslimiin eh eh o somaliyeed n gobalka awooda ogu sareeyso qabtaane wa lo.ogolyahy lkn marba qabiil wareen .ha.ahaadan udejeen ama rer owxasan ama galjec hadane sure mel walbo anaga leh inta eey ku.hayaan nabad kadhalan meyso kaligood ayaana gooni noqon doono o umada hiiran dagto wa dad is jecel marka ayaga lagareebo nabada qaata dhul inta aad heysataan allaha idin barakeye dhaafa umada muslimka eh ee gabalka idinla dagan ayaga gabalka halaga wadatashto xitq adinka nahogaamiya waan aqbalne wabilaahi towfiiq ilahay nabad haka dhaliyo somaliya hiiraan dadka dhan wada dagana ilaahy dhaxdooda hadhigo wanag walaltinimo isfahan barwaaqo kana dhigo gobolka oogu hormrsan somaliya asc

  9. kkkk Gaaljeceloow shirka Xarunta B/weyne ka socdo ma taageersanid laakiin tuulada gubatey ee danbasta meel la fariisto lahey ee deefoow waa taageersan tahay sowmaha? Waxaa kuu wanaagsaneyd in aadan Arimahaas faraha la galin.

  10. wiil Gaaljecel | May 15, 2015 at 2:22 pm | Reply

    Haa gogosha xaqa ah waxey kafuran tahay degmada deefoow tan bariga b/weyne kafuran waa hal beel lkn tan waa loo dhan yahay

  11. KKKKKKKKKKKKKKKK ASAAJIDKANA MARKAAN WAA LADUMINAA ILEEN GAALO AYAAT KEENTEEN CULUMA CULUMA YAA NAKACULUMASAN TUUGAYAHA XAWAADLE GUUUL

Leave a comment

Your email address will not be published.