Wargeyska Kabxanleey iyo Deefow: Gargaar Samafal oo laga sugayo dhamaan dadka ka soo jeeda degaanadan

Wargeyska Kabxanleey iyo Deefow: Gargaar Samafal oo laga sugayo dhamaan dadka ka soo jeeda degaanadan

DSC00273

Xaalada guud ee degaanada Kabxanleey, Madiina, iyo Deefoow ayaa ah mid degen, waxaana suga amaanka degaanadan halkaas oo ay ciidamada degaanka ay si aanan kala go’ laheyn u gutaan waajibka ka saaran in la suga nabada iyo xasiloonida degaanadan.

DSC00229

Waxaa jira roobab si xoog ah uga socda gobolka Hiiraan, saameyna ku yeeshay dhamaan dadkii ka barakacay Kabxanleey iyo Deefoow, ka dib markii hoygoodii si arxan darro ah loo gubay, kuna sugan dhul banaan iyo teendhooyin yar yar oo aanan xamili karin roobab xoogan.

DSC00234

Waxaa dhamaan dadka ka soo jeeda degaanadan laga codsan in ay gargaar bani’aadinimo la soo gaaraan dadka ehelka ah (caruur, dumar, waayeel) ee ku sugan Deefoow iyo Kabxableey.

Waxaa ku sugan degaanka gudiyo ay hogaamin maamulka Degmooyinka Deefow iyo Kabxanleey, duubabka hogaanka dhaqanka oo iyagu mar walba u taagan danta iyo badbaadinta shacabka degaanadan ayaa ah masuuliyiinta lagala xiriiri karo arrimaha samafalka laga dhaqan gelin degaanadan.

Waxaan markale ku adkeyn dhamaan dadka ka soo jeeda degaanadan in ay u istaagaan, una gurmadaan shacabka Kabxanleey iyo Deefoow, lana soo gaaraan gargaar bani’aadanimo dadka walaalaha ee halkaa ku sugan.

cowslafil.com

Be the first to comment on "Wargeyska Kabxanleey iyo Deefow: Gargaar Samafal oo laga sugayo dhamaan dadka ka soo jeeda degaanadan"

Leave a comment

Your email address will not be published.