Isticmaalka Waddooyinka Beledweyne Oo Cabsi Laga Qabo.

Xili Cabashada shacaka magaalada balad weyn ee gobolka hiiraan ay sii kordhayso ayaa hadana waxaa jirta waxyaabaha aas aasiga u ah nolosha oo ka maqan gacanta shacabka ku dhaqan Magaalada baladweyne .

Mid ka mid ah waxgaradka kasoo jeeda magaalda baladweyne ee gobolkaasi oo la hadlay warbaahintan danan ayaa waxa uu guud ahaanba shacabka balad weyne ugu baaqay in ay isku tashadaan oo ay aayahooda ka tashadan waxa uu sheegay in magaaladasi aysan ka jirin wax mnaamul ah oo ka hadleysa xaalada shacabka magaalada baladweyne .

Shaqsigani ka tirsan waxgaradka baladweyne ayaa carabka ku dhuftay in ay jiraan wadooyini xiran kuwaasi oo halbowle u ah isticmalka shacaka m/ baladweyne wadooyinka ayuu sheegay in ay u xeran yihiin ciidamada hiil walal ee ku sugan magaalada baladweyne ee xarunta gobolka hiiraan.

Maamulka magaalada baladweyne ee xarunta gobolka hiiraan ayaanan ilaa iyo haatan ka jawaabin cabashada shacabka iyo waxgaradka magalaadasi waxanse inoo suura galin xiriiro aan la sameenay maamulka magaaladasi si aan cabashada shacabka wax badani ugu ogaano.

cowslafil.com

Be the first to comment on "Isticmaalka Waddooyinka Beledweyne Oo Cabsi Laga Qabo."

Leave a comment

Your email address will not be published.