Degdeg: 6 Qof oo ku geriyootay, Qarax ka dhacay Degmada Janaale

Wararka aan ka heleyno degmada Jannaale ee Gobolka Shabeelada hoose ayaa sheegaya in Qarax Xoogan lala eegtay Maleeshiyad taabacsan Dowladda oo ku sugan Deegaankaasi

Qaraxa ayaa waxa uu ka dhacay Afaafka hore ee Saldhiga Degmada Jannaale, Ugu yaraan 6 Askari ayaa ku dhintay halkaasi, kuwaasi oo hoostaga Sarkaal lagu magacaabo Absuge.

Goobjoogyaaal ku suganaa aagga uu qaraxa ka dhacay ayaa sheegay in Qaraxa uu ahaa Miino horey Dhulka loogu sii aasay.

Markii laga reebo dhimashada Lixda ah, waxaa jira dhaawac fara badan oo soo gaaray Maleeshiyaadkii halkaas Qaraxa lagula eegtay.

Waxaana ilaa iyo hada jirin did sheegatay Masuuliyada Qaraxa ka dhacay Degmada Jannaale ee Gobolka Shabeelada hoose.

Waa weerarkii ugu horreeyay ee ka dhaca degmada Janaale tan iyo markii ciidamada AMISOM ay degmadaasi isaga bexeen isbuucii lasoo dhaafay.

cowslafil.com

Be the first to comment on "Degdeg: 6 Qof oo ku geriyootay, Qarax ka dhacay Degmada Janaale"

Leave a comment

Your email address will not be published.