Qaxootigii ugu badnaa oo gaaray Magaalada Berbera, Daawo Sawir

Dekedda magaalada berbera waxaa soo gaadhay galabta oo jimce ah doon kale oo siday qaxooti ka soo cararay dagaallada iyo duqeynta ka socda dalka yemen mudada bisha iyo dheeraadka ah . tiradoodu waxay ahayd 222 qof oo u badan caruur iyo dumar wada somaali ah marka laga reebo shan qof oo ethiopian ahaa sida uu caddeeyay maareeyaha dekedda berbera oo ka mid ahaa masuuliyiintii somaliland ee qaxootiga ku qaabilay dekedda Berbera.

150501165653_berbera3

Dadkaasi oo aan dhex galay oo wareystay markii doonta laga soo dejiyay qaarkood ayaa markiiba fadhiistay barxadda sibidhka ah ee dekedda daal fara badan oo ka muuqday mudadii labada maalmood ahayd ee ay ku soo jireen bedda dekedda mukha ee yemen oo ay ka soo kicitimeen iyo dekedda Berbera.

Qof dumar ah ayaa ii sheegtay inay ka soo carartay duqeynta ka socota magaalada sanca oo sanado badan ay degenadeyd iyadoo horena uga qaxday dagaalladii muqdisho ee somaaliya . waxay ii sheegtay in xataa dhaawac fududi ka soo gaadhay duqeynta diyaarada ee magaalada Sanca.

Wiil dhallinyaro ahaa ayaan ka naxay markii uu igu yidhi waxaan dhiganayay sanadkii ugu danbeeyay jaamicadda tiknoolijiyada ee sanca oo dagaalladu iga soo qixiyeen.

Doontan oo ahayd doon yar oo cidhiidhi dadku isu dul fuushanaayeen, waxaana dadka qaarkood ii sheegeen inay mar khatar galeen markii doonta dabaylo ku kaceen oo biyo u soo galeen.

Gudoomiyaha gobolka saaxil ee berbera fahmi cabdi bidaar ayaa ii sheegay in somaliland qaabileyso dadka ka soo qaxaya dagaalka yemen oo wixii karaankooda ah ay u qabanayaa,. kooxo caafimaad siiba bisha cas iyo wasaaradda caafimaadka somaliland ayaa caruurta talaal siinayay markay ka soo degaan doonta.

Doontani waa tii 8aad ee soo gaadha dekedda Berbera ee qaxooti yemen ka soo cararay keentay , kuwaasoo tiradooda ay ku sheegeen masuuliyiinta somaliland in ka badan 1500 qof . qaxootigan waxaa la dejiyaa xarun loogu talo galay berbera oo hay’adaha gargaarku maamulaan, kadibna markay dhawr cisho ku nastaan ayaa qof waliba deeegaankiisii uu u socdaalaa

cowslafil.com

Be the first to comment on "Qaxootigii ugu badnaa oo gaaray Magaalada Berbera, Daawo Sawir"

Leave a comment

Your email address will not be published.