Dhageyso: Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka deefoow.

Dhageyso: Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka deefoow.

Wararka naga soo gaaraya degmada deefow ee gobolka hiiraan ayaa waxaa uu ku waramayaa in Dagaalkii lagu kala baxay oo hada xaalada ay degan tahay kadib markii saaka ay soo weerareen Deegaanka maleeshiyaad ka soo duulay degmada baladweyne oo aad u hubeysanaa.

Maleeshiyada soo duushay oo weerar gaadmo ah soo qaaday ayaa markii hore u suura gashay inay gudaha u galaan degmadad, kadib dagaal rogaal celin ah oo aad u xoogan oo ay soo qaaden ciidamada deegaanka Deefow ayay dib u soo ceshteen gacan ku heynta degmada. Waxaa hada deegaanka gacanta ku haya ciidamada deegaanka ka soo jeeda.

Mid kamid ah saraakiisha  deegaanka oo lahadlay radio Danan kana gaabsaday Magaciisa ayaa waxaa uu sheegayaa in maleeshiyadii soo duushay ay ka dileen in kabadan 10 qof halka Dhaawacoodana uu intaas kabadan yahay.

Sargaalkaan oo la weydiiyay khasaaraha kasoo gaaray ciidamada deegaanka dagaalka saakay  waxaa uu sheegay in hal askari uu ka geeriyooday 5 kalena ay ka dhaawacmeen.

Halkaan ka dhageyso sarkaal u hadlay dhinaca deegaanka Deefow

cowslafil.com

1 Comment on "Dhageyso: Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka deefoow."

  1. Waxaan layaabanahay midkaan sheeganaayo magaca camaloow oo hadane wax oona kafiirsan meesha kusoo qoraayo war hadii maleeyshiyaad beledweyne dagaal kaqaaday iyo hadii kale xaba kaama galine beenta islaanka kadhaaf tol naceeb ayaa tahee waxaas waa wixii xawaadle kugu arkee xawadle naceeb xawaadla dilo duli yahow tak

Leave a comment

Your email address will not be published.