Maleeshiyada duulaanka ku ah degaanada Deefow iyo Kabxanleey oo lagu jebiyey dhamaan dagaalada ay ka soo abaabulaan Baladweyne

Maleeshiyada duulaanka ku ah degaanada Deefow iyo Kabxanleey oo lagu jebiyey dhamaan dagaalada ay ka soo abaabulaan Baladweyne

Ciidanka beelaha Surre ee degmooyinka Deefow iyo Kabxanleey ayaa iska caabiyey dagaal looga soo qaaday afar jiho maanta oo khamiis ah, salaadii subax ka dib.

Ciidanka degaanka ayaa diyaar garow iyo difaac adag ku jiray maalmihii la soo dhaafay ka dib markii markale lala soo doontay  dulmi degaanadooda, laguna dilay wiil dhalinyaro ah degaanka Deefow.

Ciidanka degaanada Deefow iyo Kabxanley ayaa arrinta jawaab ka bixiyey 26.jun, kana saaray maleeshiyada duulaanka ku ah degaanadan gebi ahaan halkii saldhiga u aheyd, oo ah meel u dhaxeysa Deefow iyo Kabxanleey. Maleeshiyada dulmiga ka wada deganadan ayey ka soo gaartay  qasaare 4 dhimashi iyo hal dhaawac, ka dibna ay isaga carareen dhamaan halkii saldhiga u aheyd oo ay duulaanka ka soo qaadeen.

Maleeshiyada reer Baladweyne oo horeyna u gubay Kabxanley, haddana
duulaanka ku ah Deefow ayaa kaashanaya ciidanka qaranka ee tababar lagu soo siiyey Jabuuti, kuwaasoo dhamaantood ka soo wada jeeda beesha Xawaadle.

Ciidanka degaanada Deefow iyo Kabxanleey oo si xoog leh u hubeysan ayaa maanta oo khamiis ah, 10.july waxay ku jibiyeen markale maleeshiyada
beelaha Xawaadle oo markale ku soo qaaday dagaal gardaro ah degaanka Deefow, dhimasho in ka badan tobaneeyo iyo dhaawac fara badana ilaa labaatameeyo
ayaa la sheegay in ay ka soo gaartay maleeshiyada duleysan ee dulmiga iyo dagaalka ku haya dadka reer Deefow iyo Kabxanley.

Shabakada cowslafil oo xiriir la sameysay ciidanka beelaha Surre ee ku jira furinta hore ee dagaalka ayaa waxay inoo sheegeen in markan xalka uu ku jira oo kaliya in laga sifeeyo dadka dulmiga wada degaanada ay xooga ku qabsadeen, kana bara kiciyeen dadkii halkaa ku noolaa. Dhalinyarada furinta dagaalka oo ay ka muuqatay niyad sareeysa iyo isku duubni ay ku dhan yihiin dhamaan beelaha Surre, aya inoo sheegay
inay markan ka go’an tahay sidii ay isaga dulqaadi lahaayeen dulmiga lala soo doontay degaanadooda, si loo helo xal kama danbeys ah.

Dhamaan beelaha Surre ee degen Mudug, Hiiraan, Banaadir, Shabeelada Hoose, Jubada Hoose, Bakool, iyo kilinka Shanaad ee Itoobiya ayaa ku mideysan inay ay iska qabtaan dulmiga soo noqnoqday ee beesha Xawaadle ay ku hayaan shacabka beelaha Surre ee degen Kabxanleey iyo Deefow.

Waxaa socda abaabul saf balaaran ah oo loogu gurman dadka degaanada Deefow iyo Kabxanleey, markana ay beesha Xawaadle ay iyaga u taal haddii ay qaadan in nabad gobolka Hiiraan loogu wada noolaado, si nabad ahna ay isaga baxaan degaanadan ay dhibka ku hayaan, haddii kale ay ogaadaan in dagaalka uusan ku ekaan doonin Kabxanleey iyo Deefow.

cowslafil.com

Be the first to comment on "Maleeshiyada duulaanka ku ah degaanada Deefow iyo Kabxanleey oo lagu jebiyey dhamaan dagaalada ay ka soo abaabulaan Baladweyne"

Leave a comment

Your email address will not be published.