Wararkii ugu danbeeyey ee dagaalka ka Dhacay Deefow

Maleeshiyaadkii Saakay dagaalka ku qaaday deegaanada Deefoow & Kabxanley oo jab Xoog leh lasoo gaarsiiyay

Wararka naga soo gaaraya degmada Deefoow ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaaladu hada ay tahay mid yara dagan kadib dagaal culus oo saakay halkaasi ka dhacay.

Dagaalada ka socda demada Deefoow ayaa waxa uu dhaxeeyaa Beelaha Surre Direed iyo Xawaadle oo wada dega Gobolka Hiiraan.

Dagaalka ayaa waxa lagu soo qaaday Beesha Surre ee degan Deegaanada Deefoow iyo Kabxanleey, waxaa lasoo sheegayaa in halkaasi uu ka dhacay dagaal aad u daran, Beeshii saakay dagaalka qaaday ayaa ugu dambeyntii waxaa lagu qasbay in ay ku laabtaan Goobihii ay kasoo duuleen oo ay ka mid aheyd Magaalada Baladweyne.

Dhanka kale Waxaa lasoo sheegayaa khasaaro xoog leh oo uu sababay dagaalka maanta, waxaa ku dhintay dad kor u dhaafaya ilaa 15 Ruux, Cisbitaalka Magaalada Baladweyne oo ay adeegsaneyso Beesha Xawaadle waxaa la geeyay dhaawacyo kor u dhaafaya 20 Ruux iyo dhimasho fara badan.

cowslafil.com

Be the first to comment on "Wararkii ugu danbeeyey ee dagaalka ka Dhacay Deefow"

Leave a comment

Your email address will not be published.