Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalada Sh.Hoose

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalada Sh.Hoose

Shalay ahayd markii dagaalo culus ay ka dhaceen deegaanada No 50 iyo Buushka, dagaalkii ka dhacay No 50 shalay ayaa ka dhacay gudaha degmada kadib markii ay weerar ku qaadeen ciidamada deegaanka ilaa ay qabsadeen inta badan magaalada laakiin markii dambe ay dib uga soo baxeen iyagoo fariisin ka sameysay afaafka hore ee magaalada.

Ciidamada deegaanka ayaa maanta duhurnimadii ciidamada mar kale u dhaqaaqay gudaha degmada laakiin waxa ay qabsadeen iyadoo aysan wax iska caabin ah la kulmin.

Markii ay galeen magaalada ayaa dhamaan dadkii magaalada ee u qaxay dhinaca deexda ee aagaas ka dhow iyo dhalinyarada xaq udirirka ah ee ciidamada deegaanka ayaa halkaas kulan ku yeeshay, kuna duceystay.

Kadib ciidamada deegaanka waxa ay u dhaqaaqeen dhinaca tuulada Muuri oo ay u baqdin carareen Maleeshiya beeleedka dhul boobka ka wada Sh.Hoose, waxayna fariisin cusub ka sameysteen goobta loo yaqaano Tuugaarka oo kaabiga ku heysa Muuri.

Dhinaca kale Ciidamada deegaanka ayaa isku fidiyay goobaha Ceel biyaale, Buushka, Buula Naagey, iyadoo ciidamada deegaanka oo ka dhaqaaqay tuulada Hareerley ay galabta weerar ku ahaayeen goobta lagu magacaabo Danada oo ah saldhiga ay maleeahiya beeleedka ka difaacanayaan Marka.

Xaalad kacsanaan ah ayaa ka jirta gobolka iyadoo ay suuro gal tahay in ay dagaalo ka dhacaan goobaha maanta laga qabsaday maleeshiyada Axmed Diiriye.

Sida aan ka soo xiganay ilo ku dhow dhow saraakiisha ciidamada deegaanka waxa ay qorsheynayaan in ay weeraro ku qaadaan gudaha magaalada Marka iyo Ceel wareegow.

Taakikada dagaalka ee ciidmada dagaalka ayaa ah mid aad u shaqeyneysa iyadoo keentay in naso ay u diidaan cadawga ilaa ay galaan xaalad cabsi iyo nafriir joogta ah, maalmaha soo socdana waxaa bilaaban doona dagaalada si toos ah lagula geli doono magaalada Marka iyo Jannale, lagana wada xoreyn doono.

cowslafil.com

Be the first to comment on "Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalada Sh.Hoose"

Leave a comment

Your email address will not be published.