Khilaafka maamulka gobolka Hiiraan oo sii xoogeystay

Gudoomiyaha degmada Baladweyn Maxamed Cusmaan Khalafow ayaa gaashaanka u daruuray xilka-qaadis uu ku sameeyay gudoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdifitaax Afrax.

Khalafow ayaa sheegay in aysan jirin xil laga qaaday, welina uu yahay gudoomiyaha degmada Baladweyne.
Gudoomiyaha Baladweyne ayaa intaa ku daray in asiga iyo gudoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdifataax Afrax isku mar la soo magacaabay, awoodiisana aysan dhameyn in uu jago ka qaado.

Khalafow ayaa geesta kale carabka ku dhaftay in Cabdifataax Afrax uu doonayo in uu iska horkeeno beelaha Gobolka Hiiraan.

Hadalka gudoomiyaha degmada Hiiraan ayaa imaanaya iyadoo maalintii shalay ahayd wareegto ka soo baxday xafiiska gudoomiyaha gobolka Hiiraan xilkii looga qaaday gudoomiyaha degmada Baladweyne iyo Gudoomiye ku xigeenka dhinaca siyaasadda ee goboka Hiiraan.

cowslafil.com

Be the first to comment on "Khilaafka maamulka gobolka Hiiraan oo sii xoogeystay"

Leave a comment

Your email address will not be published.